Madaxweynaha Sri Lanka oo ku dhawaaqay xaalad deg deg ah

Image
Dadka caadiga ah ee Sri Lankan ayaa latacaalaya yaraanta iyo sicir bararka cirka isku sii shareeraya.

GOTABAYA RAJAPAKSA, Sri Lanka - Madaxweynaha Sri Lanka, Gotabaya Rajapaksa ayaa goor dambe maalinimadii Jimcaha ku dhawaaqay xaalad deg deg ah ka dib mudaaharaadyo rabshado watay oo ka dhashay qalalaasihii dhaqaale ee ugu xumaa dalka muddo tobanaan sano ah.

Rajapaksa ayaa sheegay in uu go’aankan qaatay isaga oo mudnaan siinaya danaha amniga guud, ilaalinta nidaamka, saadka iyo adeegyada muhiimka ah.

Boqolaal qof oo mudaaharaadayey ayaa waxa ay isku dhaceen booliska iyo milatariga dalka oo isku dhinac ah. Isku dhacan ayaa waxa uu ka dhacay Khamiistii banaanka hoyga madaxweynaha ee caasimadda Colombo.

Booliska ayaa isticmaalay sunta dadka ka ilmeysiisa iyo biyo  si ay u kala eryaan dad isugu soo baxay Khamiistii meel u dhow hoyga Rajapaksa uu ka dagan yahay magaalada Colombo, ka dib markii ay gubeen dhowr baabuur oo ay lahaayeen booliska iyo ciidanka.

Waxaa la xiray 53 qof oo ka mid ah banaanbayaasha waxeyna Jimcihii caasimadda iyo nawaaxigeeda kusoo rogeen bandow si loo xakameeyo mudaaharaadyada ka dhashay yaraanta agabka aas-aasiga ah sida shidaalka.

Ugu yaraan labaatan askari oo booliis ah ayaa ku dhaawacmay iska horimaadka, sida uu sheegay sarkaal, waxa uuna diiday in uu ka hadlo tirada dadka mudaaharaadayay ee dhaawacmay.

Jasiiradda Badweynta Hindiya oo ay ku nool yihiin 22 milyan oo qof ayaa wajaheysa dhibaato dhaqaale iyadoo dowladdu ay dadaal ugu jirto sidii ay u heli lahayd sarifka lacagaha qalaad si ay ugu iibsato shidaalka dalka soo gala.

Shirkadaha dalxiiska ee dalka iyo xawaaladaha shaqaalaha ajaanibta ah ayaa waxaa hoos u dhigay masiibada caabuqa Coronavirus, waxaana dhaqaalihii dowladda aad u saameeyay canshuur dhimis uu balan qaaday Rajapaksa intii lagu jiray ololihiisii doorashada 2019.

Dadka caadiga ah ee Sri Lankan ayaa sidoo kale la tacaalaya yaraanta iyo sicir bararka cirka isku sii shareeraya, ka dib markii lacagtii waddanka si weyn hoos ugu dhacday bishii Maarso ka hor inta uusan madaxweynaha wadahadal la yeelan Sanduuqa Lacagta Adduunka ee barnaamijka amaahda.
 
Isbahaysi ka kooban 11 xisbi siyaasadeed ayaa ku booriyay Rajapaksa inuu kala diro golaha wasiirada oo uu soo dhiso xukuumad ay ka dhex muuqdaan dhammaan xisbiyada si wax looga qabto dhibaatadan.

Wasiirka dalxiiska, Prasanna Ranatunge ayaa ka digay mudaaharaadyadan oo kale inay waxyeeleeyaan rajada dhaqaalaha.  "Arrinta ugu weyn ee Sri Lanka ay wajaheyso waa yaraanta sarifka lacagaha qalaad, dibadbaxyada noocaan ahna waxay dhaawici doonaan dalxiiska waxayna yeelan doonaan cawaaqib xumo dhaqaale," ayuu yiri Ranatunge.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee dalka, Hanaa Singer-Hamdy ayaa ku baaqday in la xakameeyo dhammaan kooxaha ku lugta leh iska-hor-imaadyada.
"Waxa aan korjoogteyneynaa horumarka balse waxa aan ka walaacsanahay warbixinnada aan ka heleyno rabshadaha," ayey tiri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo duqeyn cusub ku laysay tobanaan qof Falastiini ah

Xiisad ayaa ka taagneyd guud ahaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaan.

  • Caalamka

    18-05-2024

  • 03:26AM

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM