Madaxweyne diiday in uu ciidamo u diro Ukraine

Image
Hadalka hogaamiyaha ayaa u muuqda mid aan haatan dooneyn in uu qayb ka noqdo colaada ka socota Ukraine.

KYIV, Ukraine - Madaxweynaha dalka Philippine, Rodrigo Deterte, ayaa sheegay in uu ciidamadiisa u diri doonin dalka Ukraine si ay halkaas uga dagaalamaan, haddii uu Mareykanka ku biiro dagaalka.

Hadalka madaxweynaha ayaa jawaab u noqonaya heshiis iskaashi milatari oo kala dhaxeeyay dalka Mareykanka kaas oo sheegaya in labada dal is caawiyaan hadduu mid ka mid ah dagaal galo.

Mar uu khudbad jeedinayey Khamiisti ayuu yiri: "Ma diyaarin doono ciidamo ka dagaalama Ukraine haddii xitaa Mareykanka kusoo biiro dagaalka mana garan karo sabab aan ciidamadeena ugu diro halkaas, ma ahan goobtii aan ka dagaalami lahayn".

"Ma ogolaan doono mid ka mid ah ciidankeyga in uu ka qayb qaato colaadda haddii ay rabshadaha sii baahaan xitaa, taasi ma suuro gali doonto inta aan madaxweynaha ahay," ayuu sii raaciyay.

Tan iyo sanadkii 2016-ka oo uu xafiiska la wareegay Mr Rodrigo, wuxuu xoojiyay xiriirka uu la leeyahay Ruushka, asagoo aad u dhaleeceeya siyaasadda amniga ee Mareykanka.

Waxuu khudbadiisii khamiista ku sheegay in Mr Putin uu yahay saaxiibkiisa qaaska ah. Dalka Philippine ayaa la daalaa dhacaya dhibaatada maandooriyaha iyadoo dowladda ay aad ula dagaalanto kuwa ka ganacsado ama isticmaala.

Madaxweynaha ayaa isbarbardhigay colaadda Ukraine iyo dagaalka ay dowladiisa kula jirto maandooriyaha waxuuna yiri. "Dad shacab ah ayuu dilayaa Putin, anigana waxaan laayaa danbiileyaasha maandooriyaha," ayuu xusay.

Hadalka hogaamiyaha ayaa u muuqda mid aan haatan dooneyn in uu qayb ka noqdo colaada ka socota Ukraine.

Dadka daraaseeyay khudbadda madaxweynaha ayaa aaminsan in hadalkiisa fariin cad u tahay dowladda Mareykanka, oo uu marnaba garab ku siini doonin haddii uu ka mid noqdo dagaalka.

Waxaa sidoo kale laga yaabaa in wadamo kale ay ku dhiiradaan in ay mawqifkooda cadeeyaan taas oo keeni karta in Mareykanka garbo kale ku waayo. Illaa iyo hadda ma jiro wadan si toos ah ugu biiray dagaalka balse wadamo badan oo reer galbeed ah ayaa kaalmo Milatari siiya Ukraine.

Related Articles

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM

Trump oo diiday inuu ka qeybgalo shir-madaxeedkii G20 ee Koonfur Afrika

Shir-madaxeedka G20 ayaa la filayaa in uu yeesho miisaan weyn, iyadoo laga hadlayo arrimaha dhaqaalaha adduunka.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 06:36AM