Madaxweyne Trump oo Dalbadey Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize 

Image

Oslo, Norway – Sida ay qortay wargeyska ganacsiga ee Dagens Næringsliv Khamiistii, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bishii la soo dhaafay si lama filaan ah u wacay Wasiirka Maaliyadda Norway Jens Stoltenberg isagoo socdaal lug ah ku maraya waddo ku taalla Oslo.

Warbixinta ayaa sheegay in Trump uu wacay Stoltenberg si uu uga hadlo arrimo la xiriira canshuuraha ganacsiga, balse sidoo kale uu sheegay inuu doonayo in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel, taas oo ay hore u heleen afar madaxweyne oo ka horreeyay isaga.

“Si lama filaan ah, isagoo ku jira socod, ayaa Donald Trump u soo wacay Jens Stoltenberg,” ayuu yiri wargeyska, isagoo soo xiganaya ilo aan la magacaabin. “Wuxuu rabay abaalmarinta Nobel – iyo inuu ka hadlo canshuuraha.”

Jens Stoltenberg, oo horey u soo noqday xoghayaha guud ee ururka NATO, ayaa u sheegay Reuters in wicitaanka uu diiradda saaray canshuuraha iyo iskaashiga dhaqaale, kahor wicitaan kale oo Trump uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Norway, Jonas Gahr Støre. “Faahfaahin dheeraad ah kama bixinayo waxyaabihii laga hadlay,” ayuu yiri.

Waxaa sidoo kale wicitaanka ku jiray mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Aqalka Cad sida Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Scott Bessent iyo Wakiilka Ganacsiga Mareykanka Jamieson Greer, sida uu sheegay Stoltenberg.

Aqalka Cad iyo Guddiga Abaalmarinta Nobel ee Norway ayaa ka gaabsaday in ay ka jawaabaan codsiyo warbaahinta ku saabsan warkan.

Inkastoo boqolaal qof la soo magacaabo sanad walba, haddana Guddiga Nobel ee Norway oo ka kooban shan xubnood, ayaa go’aamiya cidda ku guuleysanaysa abaalmarinta. Xubnaha guddigan waxaa magacaaba baarlamaanka Norway iyagoo raacaya rabitaankii Alfred Nobel, ganacsade reer Sweden oo noolaa qarnigii 19aad.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in tani aysan ahayn markii ugu horreysay ee Trump uu ka hadlo Abaalmarinta Nobel marka uu la hadlayo Stoltenberg.

Waxaa xusid mudan in Aqalka Cad uu 31-kii Luulyo ku dhawaaqay canshuur 15% ah oo lagu soo rogay badeecooyinka ka yimaada Norway, taasoo la mid ah mida lagu soo rogay Midowga Yurub.

Stoltenberg ayaa sheegay in wadahadallo u socdaan Mareykanka iyo Norway si loo xalliyo khilaafka canshuuraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM