Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Isniintii sheegay in dalka Maraykanka uu qorsheeyay inuu wadahadallo la yeesho dowladda Iran.

"Waxaan jadwalnay wadahadallo aan la yeelan doono Iran, waxayna doonayaan inay la hadlaan," ayuu Trump u sheegay suxufiyiinta isaga oo la taagan Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, gudaha Aqalka Cad.

"Waxay codsadeen kulan... haddii aan wax qoraal ah hoos dhigeyno, taas waan aqbali doonaa. Waa arrin wanaagsan," ayuu yiri Trump, isagoo intaas ku daray: "Aan aragno sida ay wax u dhacaan."

Wakiilka gaarka ah ee Trump u qaabilsan Bariga Dhexe, Steve Witkoff, ayaa sheegay in kulankaasi dhici doono “todobaadka soo socda ama wax u dhow.”

Markii la weydiiyay waxa sababi kara inuu dib ugu laabto weerarro milatari oo ka dhan ah Iran, Trump wuxuu ku jawaabay: “Waxaan rajeynayaa inaan taas mar kale sameyn doonin. Ma qiyaasi karo inaan rabo inaan sidaas sameeyo, sidoo kale ma qiyaasi karo inay iyaguna sidaas rabaan. Way rabaan inay la kulmaan...waxay rabaan inay xal helaan.”

Weerar milatari oo ay Maraykanku fuliyeen 22-kii Juun ayaa la sheegay in diyaaradaha B-2 ay ku rideen 14 bam oo ah GBU-57 (bunker busters) xarumaha nukliyeerka ee Iran ee Fordo iyo Natanz, halka gantaallo Tomahawk ah oo ka kacay maraakiibta quusa ay beegsadeen xarunta Isfahan, taasoo qeyb ka ahayd ololaha Maraykanka ee ka dhanka ah barnaamijka nukliyeerka Iran.

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun, balse Israa’iil ayaa 13-kii Juun duqeymo culus ku qaaday xarumo milatari, nukliyeer iyo kuwo rayid ee Iran, taasoo sababtay dib u dhaca wadahadallada.

Dagaal 12 maalmood socday oo u dhexeeyay Iran iyo Israa’iil ayaa ku dhammaaday xabad-joojin ay Maraykanku garwadeen ka ahaayeen, taasoo dhaqan gashay 24-kii Juun.

"Waxaan rabaa in aan cunaqabateynta ka qaado Iran xilli ku habboon"

Trump ayaa sidoo kale sheegay in Iran ay "aad uga duwan tahay hadda" sida ay ahayd labo todobaad kahor.

"Waxaan rajeynayaa inuu dagaalku dhammaaday. Haa, waxaan u maleynayaa inay Iran rabto inay la kulanto, rabto inay nabad sameyso, anigana taas waan taageersanahay," ayuu yiri.

Isagoo ka hadlayay dalka Suuriya, Trump wuxuu sheegay in Maraykanku uu ka qaaday cunaqabateyntii saarneyd dalkaasi, ka dib codsi uga yimid dalal badan oo Carabta ah.

"Waxaan ka qaadnay cunaqabateyntii Suuriya maxaa yeelay waxaan dooneynay inaan siino fursad," ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay inuu jeclaan lahaa in uu cunaqabateynta adag ee Maraykanku saaray Iran ka qaado "xilliga ku habboon."

"Runtii waxaan jeclaan lahaa, marka la gaaro xilliga saxda ah, inaan ka qaado cunaqabateynta Iran, si aan fursad ugu siiyo inay dib u dhistaan dalkooda si nabad ah, halkii ay ahaan lahaayeen kuwo ku dhawaaqaya, 'Geerida Maraykanka ha ku dhacdo,' 'Geerida Israa’iil ha ku dhacdo,'" ayuu Trump yiri.

Related Articles

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Elon Musk kadib markii uu dhisay xisbiga cusub ee "American Party"

Muranka ka dhashay miisaaniyadda qarashka dowladda ayaa sababay kala fogaansho weyn oo u dhexeeya Trump iyo Musk.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 05:49AM