Madaxweyne Uhuru Kenyata oo magacaabey madaxa sirdoonka

Image

NAIROBI [ Garowe Online + Wakalaadaha]- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyaata ayaa u magacaabey madaxa sirdoonka dalkaas  sarkaal aqoon dheraad ah u leh la dagaalanka kooxda Al-Shabaab oo sheegta iney xiriirka dhow la leeyihiin Al-Qaacida.

Kenyatta ayaa sheegey inuu doortey Major General Philip Kameru oo ku guuleystey sir ururinta kooxahaan saldhigayada ku leh wadanka Somalia, halkaasoo ciidamada wadanka Kenya kula dagaalmayaan kooxda Al-Shabaab iyagoo qayb ka ah AMISOM.

Warbixin kooban oo Madaxweyne Kenyatta soo saarey ayuu ku sheegey Kameru " Waxaa uu aqoon dheraad ah u leeyahay sida loola dagaalamo argagixisada isaga oo wax ku bartey wadanka Kenya iyo dibadiisa".

Sharciga Kenya uu yaal ayaa sheegaya in Gen. Kameru qaban doona xilkaan markii Barlamanka wadankaas ogolaado.

Kameru ayaa xilkaan ka badli doona Major- General Michael Gichangi oo eedeyn xoogan kaga timid weeraradii kooxaha Al-Shabaab ka gaysteen wadanka Kenya gaar ahaan suuqa Westegate Mall.

Sarakiisha sare ee amniga Kenya ayaa eedeymo farabadan kala kulmey weeraradii lagu hoobtey ee ka dhacey suuqa Westgate Mall iyo magaalada xeebta ku taal ee Mpeketoni halkaas oo ay ku dhinteen dad gaaraya 50 qof.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegey in dhamaan xoggaha sirta ah ee laga hayey weeraradaas aysan noqon kuwa ciidamada amniga u  isticmalaan sidii la rabey. 

Wadanka Kenya ayaa weeraradaan kala kulmey dhaqaale xumo baahsan madaama wadamada reer Galbeedka ay dadkooda kula taliyaan ineysan booqasho ku tagin wadankaas.  

GAROWEONLINE+WAKAALADAHA

Related Articles

Trump oo ansixiyay heshiis taariikhi ah oo Sacuudiga u oggolaanaya inuu yeesho barnaamij nukliyeer

Heshiiska cusub, ayaa la filayaa in loo gudbiyo Kongareeska Mareykanka si dib u eegis loogu sameeyo.

  • Caalamka

    22-07-2026

  • 11:00AM

Dagaalka Iran oo Mareykanka ku kacay $37.5 bilyan, Pentagon-ka oo dalbaday lacag dheeraad ah

Qiyaastii $67 bilyan oo ka mid ah lacagtaas ayaa loogu talagalay howlgalada militariga Mareykanka ee Bariga Dhexe, sida uu sheegay madaxa Pentagon-ka.

  • Caalamka

    22-07-2026

  • 09:30AM