Madaxweynihii Argentina oo dhimay tirada wasaaradaha.. Waa maxay 9-ka wasaaradood ee haray?

Image

Buenos Aires (GO) - Isla markii uu xilka la wareegay madaxweynaha cusub ee Argentina Javier Mele waxa uu bilaabay fulinta balamihii uu ololaha doorashada ku galay, isaga oo dhimay tirada wasaaradaha dalka oo markii hore ahaa 18 kana dhigay 9 wasaaradood.

Wareegtadan oo uu ku saxeexnaa Milley ayaa u dhignayd sidan: “Waxaa lagama maarmaan ah in la waafajiyo qodobada xeerka wasaaradaha iyo ujeedooyinka gaarka ah si loo saxo waxqabadyada qaranka iyo sidii loo tayayn lahaa.”

9-ka wasaaradood ee soo haray ayaa kala ah: Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda, Dhaqaalaha, Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Cadaaladda, Ganacsiga Caalamiga ah, Diinta, Caafimaadka, iyo Hanti-dhowrka.

Halka Wasaaradaha Hawlaha Guud, Waxbarashada, Dhaqanka, Shaqada iyo Horumarinta, laga xayuubiyay maqaamkoodii hore ee wasaarad ahaan, waxaana loo beddelay waaxyo keliya.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM

Weerar lagu qaaday masaajid ku yaalla Pakistan oo dilay ugu yaraan 16 qof

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka masaajid ku dhex yaalla…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 11:52AM