Madaxweynihii hore ee Yemen Cabd-Rabbu Mansour Hadi oo geeriyooday

Image

CADAN – Madaxweynihii hore ee dalka Yemen Abd-Rabbu Mansour Hadi ayaa geeriyooday subaxnimadii Maanta isagoo da'diisu ahayd 80 sano, sida ay xaqiijiyeen warbaahinta iyo ilo rasmi ah.

Hadi ayaa xilka madaxweynaha Yemen hayay intii u dhaxeysay sanadihii 2012 ilaa 2022, waxaana uu door weyn ka qaatay marxaladdii kala guurka ahayd ee dalkaasi kadib markii uu xilka ka degay madaxweynihii hore Ali Abdullah Saleh.

Cabd-Rabbu Mansour Hadi oo ku dhashay gobolka Abyan sanadkii 1945 ayaa kasoo dhex baxay ciidamada iyo siyaasadda Yemen, isagoo markii hore soo noqday madaxweyne ku xigeen ka hor intaSiyaasiyiin, madax iyo warbaahin gudaha Yemen iyo caalamkaba ah ayaa tacsi u diray qoyskiisa iyo shacabka Yemen uusan noqon madaxweynaha dalka.

Bishii April 2022 ayuu si rasmi ah awoodda ugu wareejiyay Golaha Hoggaanka Madaxtooyada ee uu hoggaamiyo Rashad al-Alimi, xilli Yemen ay wajahaysay dagaal iyo qalalaase siyaasadeed oo daba dheeraaday.

Siyaasiyiin, madax iyo warbaahin gudaha Yemen iyo caalamkaba ah ayaa tacsi u diray qoyskiisa iyo shacabka Yemen, iyagoo xusay doorkii uu ku lahaa ilaalinta midnimada dalka intii lagu jiray dagaallada iyo kala qeybsanaanta siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Duqeeyey 140 Bartilmaameed oo ku Yaalla Iran

Dhanka kale, Iiraan ayaa la sheegay inay jawaab ahaan weerarro ku qaaday Baxrayn, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    13-07-2026

  • 09:44AM

Iiraan oo xirtay marin-biyoodka Hormuz, weerarna ku qaadey dalalka Khaliijka 

Iiraan oo sheegtay inay gantaallo iyo diyaarado ismiidaamin ah ku weerartay Jordan, Bahrain, Kuwait, Qatar iyo Cumaan.

  • Caalamka

    12-07-2026

  • 11:16AM