Magaca shirkada uu hoostagayo Facebook oo la bedelay

Image
Talaabadan waxay kusoo hagaagaysaa xilli magaca Facebook ay hareyeen fadeexado ka dhashay dukumiintiyo ay faafisay haweenay horay uga soo shaqeysay.

WASHINGTON, USA - Shirkadda Facebook ayaa ku dhawaaqday inay iska baddashay magaca lagu aasaasay, ayna la baxday Meta, tallaabadaas oo qayb ka ah isbaddal weyn oo lagu sameynayo shirkaddan.

Waxaa sidooda ahaan doona adeegyada Facebook, Instagram iyo WhatsApp balse shirkadda wayn ee ay hoos imaadaan oo markii hore xitaa dusha sare ka ahayd Facebook ayaa loo yeelay magaca cusub.

Maamulka shirkaddan ayaa sheegay inay "sii badinayaan" waxa uu magacooda ka dhigan yahay marka loo eego adeegyada ay qabtaan, kuwaasoo ka gudbay baraha bulshada oo hadda gaaray meelo kale sida muuqaallada qalabka indhaha la isu galiyo.

Tallaabadan ayaa daba socotay sheekooyin lagu weeraray Facebook oo lagu saleeyay dukumiintiyo uu soo dusiyay nin horay uga tirsanaa shaqaalaheeda.

Frances Haugen ayaa ku eedeeyay shirkaddan in ay "badbaadada ka hormariso sidii ay dhaqaale ku heli lahayd".

Sanadkii 2015-kii waxaa sidan oo kale magaca looga baddalay shirkadda Google oo loo bixiyay Alphabet, hase yeeshee, magacaas cusub ayaan meeshiisa laga qaadin, ilaa haddana lalama qabsanin.

Talaabadan waxay kusoo hagaagaysaa xilli magaca Facebook ay hareyeen fadeexado ka dhashay dukumiintiyo ay faafisay haweenay horay uga soo shaqeysay.

BBC + GO

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM