Malaysia: Nin "dilay" xaaskiisa iyo gabadhiisa oo la daldalayo

Image
Satvender Singh ayaa ku guuldareystay iska difaacida kiiskan soo taxanaa tan iyo sanadkii 2016-kii.

KUALA LUMPUR, Malaysia - Darawal baabuur xamuul ah ayay maxkamadda sare ee Malaysia ku xukuntay dil toogasho ah kadib dil la sheegay in uu 2016-kii uu kula kacay xaaskiisa iyo gabadh yar oo ay u dhashay.

Satvender Singh, oo 35 jir ah,  ayaa xukunka lagu riday Khamiista maanta ah kadib markii qareenadiisu ay ku guuldareysteen in ay la yimaadaan qodobo cad-cad oo ay ku durayaan dacwada lagu soo oogay.

Xaaskiisa Kamaljit ayaa xilligaas ahayd 34 jir, halka gabadhiisa Ishilyn Kaur Sandhu ay ahayd 7 bilood jir. Falkan waxaa la sheegay in uu ka dhacay gurigooda oo ka koobnaa dabaq laba biyaano ah, April 14, 2016.

"Maxkamaddu waxay ogaatay in eedaysanuhu ahaa qofkii ugu dambeeyay ee goobta shilku ka dhacay joogay wuxuuna ka tagay goobta 4.30am ka dib markii uu dilay xaaskiisa iyo ilmo yar," ayuu yiri garsoore Mohd Yazid oo xukunka riday.

Maxkamadda ayaa horey u diidey dood ay miiska keeneen kooxda difaaceysay xukunksanaha oo ahayd in dilalku dhacay intii lagu jiray dhac loo geystay guriga isla markaana si khasab ah lagu galay hoygooda.

Bishii Luulyo 17 -keedii sannadkii hore, ayay maxkamaddu ku amartay Satvender in uu qabsado qareeno isaga oo loo haysto eedeymo dil ah markii ay ogaatay in xeer-ilaalintu ay dejisay dacwad ka dhan ah isaga.

Iyadda oo saxaafadda la hadleysay xukunka ka dib, Kamaljit walaasheed ka yar oo magaceeda kusoo gaabisey Riyaa ahna 36 jir ah, ayaa sheegtay in qoyska ay soo mareen waqtiyo xanuun badan iyo walwal ah.

"Inta ay sugaynay natiijada maxkamadeynta waxaan qaadanay waqtiyo xanuun badan walal badanna ay wehlisay. Hadda waxaa muuqaneysa in cadaaladdu shaqeysay," ayay Riyaa hadalkeeda kusoo afmeertay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM