Maraykanka Iyo Philippine oo bilaabay dhoolatuskii ugu waynaa

Image
Carbiskan milatari ayaa jawaab u ah dhaqdhaqaaqyadda milatariga waddanka Shiinaha.

WASHINGTON, USA - Dowladaha Maraykanka iyo Philippine ayaa bilaabay dhoolatuskii u waynaa ee ay abid wada sameeyaan iyaga oo ku soo bandhigaya badda Shiinaha ee koonfureed.

Dhoolatuskaan ayaa soconaya 17 maalmood waxaana uu dhamaan doona 28 April 2023 waxaana ka qayb qaadanaya 18 kun oo askari, sidda ay sheegeen saraakiil ciidan.

"Garab ka garab" ayaa loogu magac daray dhoolatuskaan iyada oo meelaha lagu samaynayo ay ku jirto jasiirada Luzon ee wadanka Philippine taasi oo 300 KM u jirta Taiwan.

Rasaas nool ayaa la adeegsan doonaa dhoolatuskaan iyada oo ay falanqeeyayaashu ku tilmaameen mid jawaab u ah dhaq-dhaqaaqyada milatariga dalka Shiinaha.

Shiinaha ayaa shalay waxa uu soo gebo-gabeeyay dhoolatus ciidan oo socday saddex bari oo uu ka sameeyay hareeraha Taiwan taasi oo ay cambaareeyeen dalalka galbeedka qaybtood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Guusha Ninka Muslim-ka ah ee noqday Duqa New York uga dhigan tahay Trump?

Tartanka ugu weyni wuxuu ahaa isaga iyo Andrew Cuomo, oo ahaa guddoomiyihii hore ee gobolka New York.

  • Caalamka

    05-11-2025

  • 08:01AM

Trump oo u amray Waaxda Difaaca inay “si degdeg ah” u bilowdo tijaabinta hubka nukliyeerka

Ololaha Caalamiga ah ee lagu baabi’inayo Hubka Nukliyeerka ayaa Ruushka ku tirinaya inuu haysto hubka nukliyeerka ugu badan.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 09:42AM