Maraykanka iyo xulafadiisa oo sii wada duqeynta IS

Image

October 2, 2014 (GO)- Maraykanka iyo xulafadiisa ayaa sii wada duqeymaha dhanka cirka ee lala beegsanayo  fariisimaha Kooxda IS ee dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Shalay oo Arbaco ahayd waxaa la duqeeyey shan bartilmaameed oo ku yaalla Ciraaq taasoo ka dhigeysa wadarta guud ee duqeymaha 300 oo weerar laga soo bilaabo bishii August ee lasoo dhaafay.

Dhank kale, Dowladda Faransiiska ayaa shaacisay inay kordhin doonto tirada diyaaradaha dagaalka Faransiiska ee ka qayb qaadanaya la dagaalanka kooda IS.

Wasaaradda difaaca Faransiiska af-hayen u hadlay ayaa sheegay in saddex diyaaradood oo nooca Rafal-ka loo yaqaan ah ay soo dirayaan si ay ugu biiraan lix diyaaradood oo horay Faransiiska halkaas uga joogey.

Dowladaha Australia iyo Canada ayaa iyaguna iclaamiyey inay ku biirayaan dagaalka, Australia waxay sheegtay inay soo dirayso diyaarado dagaal, Canadana waxay shaacisay in khuburo militeri soo diri doonto.

Todobaadyo kahor Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa ku baaqay in caalamku isu bahaysto ka hortagga khatarta kooxda IS oo Maraykanka iyo dalalka Bariga Dhexe cabsi xooggan ka qaabaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doorashada Israa’iil: Natiijo aan weli caddayn iyo loollan ku saabsan dhismaha dowladda

Benjamin Netanyahu oo hadda u muuqda in laga adkaaday wuxuu ra’iisul wasaaraha Israa’iil soo noqday muddo ku dhow 19 sano guud ahaan.

  • Caalamka

    28-10-2026

  • 05:02AM

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM