Maraykanka iyo xulafadiisa oo sii wada duqeynta IS

Image

October 2, 2014 (GO)- Maraykanka iyo xulafadiisa ayaa sii wada duqeymaha dhanka cirka ee lala beegsanayo  fariisimaha Kooxda IS ee dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Shalay oo Arbaco ahayd waxaa la duqeeyey shan bartilmaameed oo ku yaalla Ciraaq taasoo ka dhigeysa wadarta guud ee duqeymaha 300 oo weerar laga soo bilaabo bishii August ee lasoo dhaafay.

Dhank kale, Dowladda Faransiiska ayaa shaacisay inay kordhin doonto tirada diyaaradaha dagaalka Faransiiska ee ka qayb qaadanaya la dagaalanka kooda IS.

Wasaaradda difaaca Faransiiska af-hayen u hadlay ayaa sheegay in saddex diyaaradood oo nooca Rafal-ka loo yaqaan ah ay soo dirayaan si ay ugu biiraan lix diyaaradood oo horay Faransiiska halkaas uga joogey.

Dowladaha Australia iyo Canada ayaa iyaguna iclaamiyey inay ku biirayaan dagaalka, Australia waxay sheegtay inay soo dirayso diyaarado dagaal, Canadana waxay shaacisay in khuburo militeri soo diri doonto.

Todobaadyo kahor Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa ku baaqay in caalamku isu bahaysto ka hortagga khatarta kooxda IS oo Maraykanka iyo dalalka Bariga Dhexe cabsi xooggan ka qaabaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM