Maraykanka: Musharax madaxweyne oo u hanjabay Israa’iil

Image

WASHINGTON - Musharaxa madaxtinimada Maraykanka ee xisbiga Dimuqraadiga, Cenk Uyghur, ayaa argagixisanimo ku tilmaamay duqeymaha ay Israa'iil ka geysanayso Marinka Qasa, isaga oo ku baaqay inay si degdeg ah u joojiso.

Uyghur ayaa cambaareyay sida ay reer Galbeedku u maareynayaan qadiyadda Falastiin, isagoo yiri, "Maxay dowladda Israa'iil ugu eedeyn waayeen inay tahay argagixiso, maadaama ay dishay saddex laab tirada rayidka ah ee Xamaas dileen?

Waxa uu intaa ku daray, "Miyayna nolosha Falastiiniyiintu wax macno ah lahayn, waan ka daalnay xagjirnimada ka dhanka ah Muslimiinta iyo Falastiiniyiinta,"

Uyghur waxa uu carabka ku adkeeyay in uu si degdeg ah u joojin doono taageerada Mareykanka uu siiyo Israa’iil haddii uu qabto xilka madaxtinimada.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM