Maraykanka oo 1,500 ku kordhinaya ciidamada ka jooga Ciraaq

Image

November 8, 2014 (GO)- Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa ogolaaday in 1,500 oo askari lagu kordhiyo militeriga  Maraykanka ee ku sugan dalka Ciraaq, si ay gacan uga siiyaan ciidamada dowladda Ciraaq iyo kuwa jamhadaha Kurdishka dagaalka ka dhanka ah kooxda IS.

Af-hayeenka Wasaaradda Gaashaan-dhigga  Maraykanka (Pentagon-ka) John Kirby ayaa  warkan xaqiijiyey isagoo xusay in askarta la dirayo oo saraakiil u badan si toos ah dagaalka qayb uga noqon doonin, haseyeeshee doorkoodu yahay tababarista iyo tayeynta militeriga Ciraaq.

Kirby wuxuu sidoo kale sheegay in la tababari doono 12 guuto oo ku sugan galbeedka iyo koonfurta Ciraaq, kuwaasoo 9 ka mid ahi yihiin ciidamada dowlada iyo saddex guuto oo ka tirsan dagaal-yahanada Kurdhishke ee Peshmerga. 

Go'aanka Obama ayaa yimid maalmo kadib markii Wasiirka Gaashaan-dhigga Maraykanka Chuck Hagel soo jeediyey in la kordhiyo ciidamada Maraykanka ee jooga Ciraaq, si dowlada dalkaas gacan looga siiyo dagaalka ay ku jirto kooxda IS.

Qorshahan oo lacag dhan 1.6bilyan oo doolar  ku bixi doonto, wuxuu dhaqan geli karaa keliya marka uu Congress-ku ogolaado, waxaana xusid mudan in aqlabiyadda labada aqal ee Congress-ka xilligan haystaan jumhuuriyiinta oo waxyaabo badan ku diidan siyaasadda Madaxweyne Barack Obama.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM

Maxaa looga hadlay Shirka Soomaaliya ka qayb gashay ee ka dhacay South Korea?

Shirka ayaa loo arkaa madal muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-hadalka iyo iskaashiga u dhexeeya dalalka Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:30PM