Maraykanka oo cambaareeyey dilka Peter Kassig

Image

November 17, 2014 (GO)- Dowladda Maraykanka ayaa si kulul u cambaaraysey dilka Peter Kassig oo ahaa nin u dhashay dalka Maraykanka kana shaqeynayey hawlaha samafalka, kaasoo kooxda Daacish (IS) ku dishey Syria.

Kooxda ayaa internetka soo dhigtey muuqaal muujinaya meydka ninkaas iyo tobaneeyo askari oo ka tirsan militeriga Syria iyadoo ku goodidey inay sidan oo kale u geli doonto dhammaan jawaasiista reer galbeedka waa sida ay hadalka u dhigeene.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa falkaas ku tilmaamay mid waxashnimo ah kana turjumaya cadownimada iyo araxan darrada kooxda IS.

"Cabdiraxmaan inuu inaka tago waxaa sabab u ahaa falka waxashnimada ah ee kooxdan argagixisada ah taasoo caalamku isku raacay inay bini aadamnimada liddi ku tahay" Obama ayaa yiri.

Dhanka kale urur maxalli ah oo xuquuqda aadanaha ee dalka Syria u ololeeya ayaa shaaciyey in shalay oo axad ahayd dagaalyahanada IS dil wadareed ka geysteen magaalada al-Raqqa kadib markii ay goob fageere ah ku toogteen 13 nin oo lagu soo eedeeyey inay si hoose ula shaqeynayeen maamulka Bashaar Al-asad.

Peter Kassing oo 26 jir ahaa wuxuu la baxay magaca Cabdulraxmaan kadib markii la sheegay inuu soo Islaamay. Sanadkii hore ayuu gacanta u galay kooxda IS xilli uu ku sugnaa gudaha dalka Syria.

Ma ahan markii ugu horeysey ee muwaadin u dhashay dalka Maraykanka lagu dilo Syria haseyeeshe bilo kahor ayey ahayd markii sidan oo kale kooxda IS u gowracdey labo weriye oo Maraykan ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka oo gudaha Ukraine ka bilaabay weeraro rogaal celis ah

Dagaalka oo sii xoogeystay tan iyo Jimcihii, ayaa horseeday dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ballaaran iyo barakac baahsan oo rayidka ah.

  • Caalamka

    12-05-2024

  • 05:47PM

Walaac caalami ah oo ka dhashay weerarada bur-cadbadeeda Soomaaliya

Saddexdii bilood ee hore ee sanadkan 2024-ka, waxaa Soomaaliya laga soo sheegay shan weerar gaadmo ah.

  • Caalamka

    12-05-2024

  • 04:59AM