Maraykanka oo digniin cusub kasoo saaray safarka Jabuuti

Image

November 26, 2014 (GO)- Dowladda Maraykanka ayaa muwaadiniinteeda uga digtey inay u safraan dalka Jabuuti digniintaas oo noqoneysa tii labaad ee sanad gudihiis Maraykanku kasoo saaro dalka Jabuuti.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda Maraykanka ayaa lagu sheegay in macluumaad dhanka sirdoonka ah oo la helay muujinayaan weeraro argagixiso oo la qorsheynayo in lala beegsado bartilmaameedyo Maraykan ah iyo kuwo kale oo reer galbeed ah.

Qoraalka waxaa sidoo kale lagu xusay in weerarrada argagixisadu qorsheynayso isugu jiraan qaraxyo ismiidaamin ah iyo kuwa baabuurta lagu xiro, weerarradaas oo suurogal tahay in lagu qaado xarumaha safaaradaha, saldhigyada ciidamada iyo weliba bartil-maameedyada jilicsan sida hoteelada, baararka iyo goobaha laga dukaameysto.

Bishii May ee lasoo dhaafay hal qof ayaa ku geeriyoodey tiro kalena way ku dhaawacmeen weerar labo qof oo isa soo miidaamiyey la beegsadeen maqaayad dadka reer galbeedka ahi inta badan fariistaan oo ku taalla bartanka magaalada Jabuuti.

Dowladda Maraykanka ayaa horay sidan oo kale muwaadiniinteeda uga digtey inay u safraan dalka Kenya oo laga soo bilaabo sanadkii 2011 falal ammaanka liddi ku ahi ka dhacayeen dad badan oo ajnebi ahaana lagu afduubtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo markii ugu horreysay yeelatay Ra’iisul Wasaare dumar ah

Takaichi ayaa sidoo kale sheegtay in ay doonayso in ay dib u soo noolayso sumcadda xisbiga LDP.

  • Caalamka

    04-10-2025

  • 12:32PM

Netanyahu oo ka raali-geliyay Qatar weerarkii Doha

Ugu yaraan shan xubnood oo heer hoose ah oo ka tirsan Hamas iyo sarkaal amni oo Qatari ah.

  • Caalamka

    30-09-2025

  • 11:10AM