Maraykanka oo Israa’iil ka codsaday inay ay ku dhawaaqdo Xabbad-joojin

Image

QASA (GO) - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Talaadadii sheegay in uu ka codsaday ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu in si ku meel gaar ah loo joojiyo dagaalka Qasa.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa mar sii horreysay sheegay in labada hoggaamiye ay ka wadahadleen suurtagalnimada in la joojiyo dagaallada ka socda Qasa iyo in la sii daayo maxaabiista.

Shabakadda Mareykanka ee “Axios” ayaa sheegtay in madaxweyne Biden uu ku wargeliyay Netanyahu in joojinta dagaalka saddex maalmood ay gacan ka geysan karto sii deynta qaar ka mid ah maxaabiista lagu haysto Qasa.

Sida ku cad soo jeedinta ay ka wada hadlayaan Maraykanka, Israel iyo Qatar, Xamaas waxay sii deyn doontaa maxaabiis tiradooda u dhaxaysa toban ilaa 15 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM

Thailand Oo Duqeyn Ka Fulisay Xuduuda Ay La Wadaagto Cambodia

Wasiirka Warfaafinta Cambodia, Neth Pheaktra, ayaa sheegay in dadka ku nool dhowr tuulo oo xuduuda u dhow la daad gureeyay.

  • Caalamka

    08-12-2025

  • 08:03AM