Maraykanka oo ka hadlay duqeymihii ay Iran ka gaysatay Israa’iil

Image
Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa si kulul uga hadlay weerarka Iraan.

Washington (GO) - Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa soo saartay bayaan ay ku cadeyneyso mowqifkeeda ku aadan weerarkii ay xalay Iran ku qaaday bartilmaameedyo ku yaala gudaha Israa’iil.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa yiri, "Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Bariga Dhexe waxay 13-kii Abriil iska caabiyeen tobanaan gantaal iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo ku sii jeeday Israa'iil, kuwaas oo laga soo riday Iran, Ciraaq, Suuriya iyo Yemen."

Austin waxa uu ku daray bayaanka: ”Ciidankeenu waxa ay ku sugan yihiin meel ay ku difaacaan Maraykanka iyo saaxiibada gobolka, iyo si ay taageero dheeraad ah u siiyaan difaaca Israel, iyo wanaajinta xasiloonida gobolka.”

Waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in dalkiisu uu cambaareynayo weerarradaas, isla markaana ugu baaqay Iran inay si degdeg ah u joojiso weerar kasta oo kale ayna dejiyaan Xiisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM