Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Image

Maraykanka ayaa tallaabo culus qaaday kadib markii ciidamada Coast Guard-ka ay qabteen markab saliid siday oo ku sugnaa meel u dhaw xeebaha Venezuela, xilli Washington ay bilihii u dambeeyay kordhisay cadaadiska iyo hadallada hanjabaadda ah ee ka dhanka ah maamulka Caracas.

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay in howlgalka uu hoggaaminayay Coast Guard-ka, inkasta oo aan la shaacin magaca iyo goobta saxda ah ee markabka. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa xaqiijiyay dhacdada isagoo ku tilmaamay “markab aad u weyn”.

Trump oo ka hadlayay Aqalka Cad ayaa sheegay in “markabkii ugu weynaa ee abid la qabto” lagu hayo gacanta Maraykanka, isaga oo muujiyay in tallaabooyin kale oo militari ay socdaan, isla markaana warar dheeri ah la arki doono maalmaha soo socda.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah siyaasadda militariga ee cusub ee Washington, taas oo ciidamada badda Maraykanka lagu geeyay gobolka Kariibiyaanka, oo ay ku jiraan cutubyo culus sida USS Gerald Ford – oo ah maraakiibta diyaaradaha qaada ee ugu weyn dunida.

Sidoo kale, Maraykanku wuxuu kordhiyay weerarrada lagu beegsanayo doomaha lagu eedeeyo in ay daabulaan daroogo, gaar ahaan Kariibiyaanka iyo badda Pacific-ga. Warbixinno ayaa tilmaamaya in ugu yaraan 22 weerar oo noocan ah la fuliyay, halka dad lagu qiyaasay 87 ruux lagu dilay.

Trump ayaa marar badan sheegay in weerarrada badda ay ka dhici karaan dhulka Venezuela laftiisa, taas oo sii xoojisay cabsi iyo xiisad siyaasadeed.

Dhanka Caracas, Madaxweyne Nicolás Maduro wuxuu ku eedeeyay Maraykanka inuu doonayo in uu afgembiyo dowladda Venezuela, isagoo digniin ka bixiyay in ciidankiisu ay difaaci doonaan dalka haddii uu weerar militari dhaco. Venezuela waxaa dhaqaalaheeda saldhig u ah dhoofinta saliidda, oo bishii lasoo dhaafay gaartay ku dhowaad 900,000 foosto maalintii.

Dhinaca ra’yi-celinta, dadweynaha Mareykanka badankood ma taageersana faragelinta militari. Sahan November la sameeyay ayaa muujiyay in kaliya 17% dadka Mareykanka ahi ay taageersan yihiin in awood militari lagu rido dowladda Venezuela, halka 45% ay kasoo horjeedaan. Sahan kale oo Reuters/Ipsos ah ayaa muujiyay in 48% dadka la wareystay ay diiddan yihiin weerarrada lagu bartilmaameedsanayo doomaha daroogada lagu eedeeyo, maadaama sharciyahannadu ku tilmaameen kuwo ka hor imanaya sharciga caalamiga ah.

Xiisadda labada dal ayaa hadda gaartay heer sare, iyadoo labada dhinacba ay muujinayaan diyaar garow militari—Maraykankuna uu wado daba-gal iyo cadaadis, Venezuela-na ay xoojineyso difaaca xeebaha.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Thailand Oo Duqeyn Ka Fulisay Xuduuda Ay La Wadaagto Cambodia

Wasiirka Warfaafinta Cambodia, Neth Pheaktra, ayaa sheegay in dadka ku nool dhowr tuulo oo xuduuda u dhow la daad gureeyay.

  • Caalamka

    08-12-2025

  • 08:03AM

Dadkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo lagu qabtay Howlgalka ICE ee Minnesota

Soomaalida Minnasota ayaa walaac ka muujiyay tarxiilka billowday iyo beegsiga uu Trump ku hayo, iyadoo arinta keeni karto dad badan.

  • Caalamka

    05-12-2025

  • 10:53AM