Maraykanka oo ka walaacsan kororka Suxuunta Duusha

Image
Tirada guud ee la arkay waxa ay maraysaa 510 sheey, iyada oo sanadkii 2021-dii oo kaliya la arkay 144 sheey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dokuumeendiyo sir ah oo daaha laga rogay ayaa sheegaya in ciidamada cirka Maraykanka ay diiwaangaliyeen boqolaal dhacdo oo lagu arkay Suxuunta Duusha, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah la garan waayay waxa ay yihiin. Tirada guud ee la arkay waxa ay maraysaa 510 sheey, iyada oo sanadkii 2021-dii oo kaliya la arkay 144 sheey.

Wax ka badan boqol walxahan la arkay ah ayaanan la sharixi karin waxa ay yihiin xilli dowladda Maraykanka ay aad uga welwel qabto bad-qabka duulimaadka hawada walxahan aan la garanayn ee duulaya awgood.

Qaar ka mid ah Suxuuntani Duusha ayaa la gartay in ay yihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo dhulka laga hagayo iyo dayax-gacmeedyo yaryar oo ay dowladdo kale kiciyeen, kuwaas oo weli halis ku haya nabadgalyada hawada oo ay si mashquul badan u isticmaalaan gaadiidka cirka.

Arrinta walaaca dheeraadka ah ku haysa sirdoonka Maraykanka ayaa ah in walxahani lagu arkay aagga dhaqdhaqaaqa ka caaggan ee hawada ama dhaqdhaqaaqa xaddidan loo ogolyahay.

Sirdoonka waxa ay sheegeen in 26 walxahani ay ahaayeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, 163 ay ahaayeen buufinta weyn ee cirka loo diro, iyo 6 dayax-gacmeedyo yaryar ama gantaalo.

Sababta loosoo bandhigay warbixintan ayaa lagu sheegay in ay tahay in la ifiyo halista kasoo fool leh hawada, sarena loogu qaado wacyiga dadka iyo dowladaha.

171 sheey oo la arkay ayaanan weli la ogeyn waxa ay yihiin, taas oo sii hurinaysa aragtidii mala awaalka ahayd ee Suxuunta Duusha ama waxyaabaha qalaad ee aanan bini’aadamka ahayn ee hawada duula.

Waax cusub oo sanadkii hore laga sameeyay Aqalka Pentagon-ka oo lagu magacaabo AARO (All-Domain Anomaly Resolution Office) ayaa samaynaysa baaritaano dheeraad oo ku aadan walxahan oo markii hore loo aqooni jirey UFO (Suxuunta Duusha) balse hadda dowladda u bixisay UAP (Walxaha Qalaad).

AARO ayay ku adkaan doontaa in ay ogaato waxyaabaha qaar maadaamaa la sheegay in walxahani ay ku duulayaan xawaare aad uga sareeyo inta ay il qaban karto ama dayax-gacmeed uu sawir ku haleeli karo.

Waxase weli mas’uuliyiinta Maraykanka ay beeninayaan in la arkay waxyaabo aanan bini’aadam ahayn sida dad badan oo raad-raaca waxyaabahani ay jecelyihiin in ay aaminaan ama ka shaki qabaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biden oo lagu cambaareeyay "inkirida" saxafiyiinta lagu dilay Gaza

Madaxweynaha Mareykanka oo martigeliyay xaflad ku saabsan xorriyada saxaafada ayaan soo hadal-qaadin qadiyaddan.

  • Caalamka

    28-04-2024

  • 04:23AM

Sacuudiga oo ka digay Shirkadaha Xajka ee bixiya dukumentiyo been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa degniintan soo saaray.

  • Caalamka

    27-04-2024

  • 07:47AM