Maraykanka oo markab gantaalo sida u diray Bariga Dhexe

Image
Talaabadan ayaa imaanaysa xilli Shiinaha uu heshiisiiyey Shiinaha iyo Iiraan.

WASHINGTON, USA - Ciidamada Badda ee Maraykanka ayaa waxay ku dhawaaqeen in ay u direen Biyaha bariga dhexe Markab ku shaqeeya tamarta Nuclear-ka kaasi oo sida gantaalo.

Markabkaan oo lagu magacaabo "USS Florida" ayaa sida 154 gantaalaha Badda dusheeda laga rido iyada oo ay gaaraan masaafo 2500 KM ah, sidda ay qortey saxaafadda.

Afhayeenka ciidamada Badda ee Maraykanka, Timothy Hawkins oo kasoo hor-muuqdey warbaahinta, ayaa shaaca ka dhigay in markabkaan uu Khamiistii gobalka soo galay.

"Khamiistii ayuu gobalka soo galay wuxuuna ka gudbayaa kanaalka Suez isaga oo guda galay hawlihiisa ka qayb qaadashada xoojinta amaanka biyahaasi muhiimka ah," ayuu tibaaxay

Tagista markabkaan ee Biyaha Bariga dhexe ayaa imaanaya xilli uu soo hagaagayo xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya Shiinaha iyo Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

China ayaa dhowaan waxa uu dhexdhexaadiyey Riyadh iyo Tehran taasoo khuburadda ka faaloota arrimaha gobolka ay ku tilmaameen "dharbaaxo weyn oo ku dhacdey Washington".

Maamulka madaxwayne Joe Biden oo feejignaan ka muuqato ayaa si taxadar leh usoo dhaweeyay heshiiska Iiraan iyo Sacuudiga waxaana uu kalsooni ka muujiyey in uu dhaqan-galo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM