Maraykanka oo markii ugu horreysay soo hadal qaaday guuldarrada Israa’iil

Image
Ciidanka Israa’iil ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay wajiga 2aad ee dagaalka Qasa.

WASHINGTON (GO) - Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in Israa’iil ay guul-darro istiraatijiyadeed kala kulmi karto Marinka Qasa, isagoo khudbad ka jeedinayay Madasha Difaaca Qaranka ee “Reagan”.

Wasiirka ayaa intaa ku daray: "Dagaalka noocaan ah, dadka rayidka ah ayaa ka ah culeyska, haddii aad ku riixdo gacmaha cadowga, waxaad muteysan doonta guul darro Isrtaatijiyadeed”.

Sida uu sheegay ciidamada Israa’iil waxa ay ku guulaysan karaan dagaalka ay kula jiraan Xamaas waa haddii ay ka hortagaan dilka dadka rayidka ah kana shaqayaan ilaalinta marinka Qasa.

Afhayeenka ciidamada Israa’iil ee warbaahinta Carabta, Avichai Adraee, ayaa ku andacoodey in Xamas ay jebisay heshiiskii Xabadjoojinta oo ay gantaallo ku ridday dhulka Israa’iil.

Ciidanka Israa’iil ayaa si rasmi ah Jimcihii la soo dhaafay ku dhawaaqay wajiga 2aad ee dagaalka ka dhan ah Xamaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM

Weerar lagu qaaday masaajid ku yaalla Pakistan oo dilay ugu yaraan 16 qof

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka masaajid ku dhex yaalla…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 11:52AM