Maraykanka oo qalab millatari gaarsiiyay Ukraine

Image
Ruushka ayaa beeniyay inuu qorsheynayo weerar cusub oo militari. Washington waxay ogolaatay xirmada $200m bishii Disembar.

WASHINGTON, USA – Dowladda Maraykanka ayaa qalab milatari oo ku kacaya $200m gaarsiyay ee Ukraine xilli laga cabsi qabo weerar Ruushku ku qaado wadankaan oo taageero ka haysta NAATO sida ay sheegtay safaaradda Mareykanka.

Agabkaan Milatari ayaa daba socda booqashadii xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken uu ku tagay Kyiv usbuucan iyadoo ay jirto walaaca ka imaanaya Ukraine iyo xulafadeeda reer galbeedka ee ku aaddan tobanaan kun oo askari oo Ruush ah oo ku daabulay xadka Ukraine.

Ruushka ayaa beeniyay inuu qorsheynayo weerar cusub oo militari. Washington waxay ogolaatay xirmada $200m bishii Disembar. Wasiirka difaaca ee Ukraine ayaa uga mahadceliyay Mareykanka kaalmada.

"Maraykanku waxa uu sii wadi doonaa bixinta kaalmadan oo kale si uu u taageero ciidamada qalabka sida ee Ukraine dadaalkooda joogtada ah ee lagu difaacayo madax banaanida Ukraine iyo madaxbanaanida dhuleed ee ka dhanka ah gardarrada Ruushka," safaaradda ayaa ku sheegtay qoraal ay soo saartay.

Dhanka kale, wadamada Baltic-ga ee Estonia, Latvia iyo Lithuania ayaa u diri doona dalka Ukrain gantaalada lidka taangiyada iyo kuwa lidka diyaaradaha ee Maraykanka uu sameeyo, talaabadaas oo Blinken uu sheegay in Washington ay si buuxda u taageerayso.

"Waan dedejiyay oo waan fasaxay, waxaanan si buuxda u taageernay wareejinta qalabka difaaca ee Isbahaysiga NATO ee Estonia Latvia Lithuania ay siinayso Ukraine si ay u xoojiso awoodda ay iskaga difaacdo gardarrada aan mas'uuliyadda lahayn ee Ruushka," ayuu ku soo qoray bartiisa twitter-ka.

"Waxaan ku bogaadinaynaa taageeradooda dheer ee Ukraine."

Dmitry Peskov, oo ah afhayeenka madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa horaantii isbuucan ku tilmaamay saadka reer galbeedka ee hubka ay siiyaan Ukraine mid aad khatar u ah, wuxuuna sheegay "in aysan waxba ka qaban si ay u yareeyaan xiisadaha".

Reer Galbeedka ayaa diiday dalabaadka ugu muhiimsan ee Moscow - ballanqaadyada NATO ee ah in Ukraine aan weligeed lagu dari doonin xubin ahaan, in aan hub isbahaysi la dhigi doonin meel u dhow xudduudaha Ruushka, iyo in ay dib u soo celin doonto ciidamadeeda Bartamaha iyo Bariga Yurub.

Kulan dhexmaray Blinken iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov Jimcihii ayaa ku dhamaaday natiijo la’aan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 07:41AM

Banaanbaxyo lagu taageerayo qaddiyada Falastiin oo gilgilay Mareykanka

Ugu yaraan 20 mudaaharaadayaal ah oo taageersan Falastiin ayaa xabsi loogu taxaabay isu-soo-baxyadan aawadeed.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 05:25AM