Maraykanka: Tirada dadka la la’yahay ka dib dhacdadii Buundada Baltimore oo la shaaciyay

Image

Baltimore (GO) - Buundada Francis Scott Key ee magaalada Baltimore ee dalka Mareykanka ayaa burburtay, ka dib markii ay isku dhaceen markab weyn oo Konteenar siday, sida ay sheegtay hay’adda gaadiidka ee Maryland.

Afhayeen u hadlay waaxda dab damiska ee magaalada Baltimore ayaa sheegay in abaaro 01:30 subaxnimo ay duntay buundada wayn ee ku taala wabiga Patapsco, iyadoo kamarada ilaalada ay muujinayeen markab xamuul uu ku dhacayo mid ka mid ah tiirarka buundada, taasoo keentay inay burburto.

Waxaa la rumeysan yahay in ugu yaraan 20 qof ay ku dhaceen wabiga, sida laga soo xigtay hadal uu jeediyay madaxa isgaarsiinta ee Waaxda Dabdamiska Magaalada Baltimore.

Madaxa dab damiska Baltimore James Wallace ayaa sheegay in laba qof laga soo badbaadiyay wabiga, oo mid ka mid ah uu xaaladiisu halis tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM