Mareega Baarlamaanka Lubnaan oo la jabsaday

Image
Horay waxaa loo jabsaday shaashadaha Garoonka ciyaaraha ee Beyruut.

Bayruut (GO) - Warbaahinta maxalliga ah ee dowladda Lubnaan ayaa xaqiijiyay in mareega Baarlamaanka Lubnaan ay jabsadeen maanta koox aan heybtooda la garanayn.

Waaxda Warbaahinta ee Baarlamaanka Lubnaan ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku tiri: “Kadib markii la isku dayey in la jabsado mareegta Baaralmaanka, waxa xayirnay shaqda mareegga inta arrintan laga xallinaayo.”

Horay waxaa loo jabsaday shaashadaha Garoonka ciyaaraha ee Beyruut, waxaana lagu soo bandhigay fariin ka dhan ah Xisbullah, halka kooxda jabsatayna ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin koox isku magacawday “Junuud Al-Rab”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM