Mareykanka: Dowladda Soomaaliya waxay ka laabatay Go'aankii Baasaboorka Taiwan 

Image

MUQDISHO – Dowladda Mareykanka ayaa Isniintii sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka qaaday xayiraadda baasaboorka Jaziiradda Taiwan, taasoo fursad u furaysa booqasho uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Taiwan ku tegi doono Somaliland.

“Waxaan soo dhoweyneynaa go’aanka Soomaaliya ay kaga noqotay xayiraadda, isla markaana ay dib ugu aqoonsatay baasaboorka Taiwan,” ayuu yiri Roy Fitrell, oo ah Mas’uulka Sare ee Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka, mar uu ka hadlayay Aqalka Sare ee Mareykanka.

Fitrell ayaa uga digay dowladaha isku dayaya inay faragelin ku sameeyaan xiriirka diblomaasiyadeed ee Taiwan, in ay halis ugu jiraan inay dhaawacaan xiriirka ay la leeyihiin Washington.

Go’aankan wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay xiisad xooggan u dhaxeyso Mareykanka iyo Shiinaha, oo ah dowlad si dhow ula shaqeysa Soomaaliya. Shiinaha ayaa si adag uga soo horjeeda wax xiriir ah oo lala yeesho Taiwan, oo uu u arko gobol ka go’ay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya wali si rasmi ah uma xaqiijin hadalka diblomaasiga Mareykanka ee ka noqoshadda xayiraadda baasaboorka Taiwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda Israel iyo Britain: Sidee ayuu khilaafku ku billowday, yaase la saftay London?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel Gideon Sa’ar ayaa tallaabada London ku tilmaamay…..

  • Caalamka

    10-09-2026

  • 05:29PM

Pakistan oo Iran Digniin Adag u Dirtay Xilli Xuutiyiintu Weerarro Ka Wadaan Sacuudiga

Heshiiska ayaa dhigayaa in weerar lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal loo arki karo weerar lagu qaaday dhammaantood.

  • Caalamka

    10-09-2026

  • 08:02AM