Mareykanka iyo Israa’iil oo ku dhow heshiis nabadeed oo ku saabsan Gaza

Image

WASHINGTON | Mareykanka iyo Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa iney qarka u saaran yihiin  in ay isla meel dhigaan qorshaha nabadeed ee uu soo jeediyey Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump si loo soo afjaro dagaalka ka socda Gaza. Qorshahan ayaa ka kooban 21 qodob oo ay ka mid yihiin xabbad joojin degdeg ah, sii deynta maxaabiista, iyo hub ka dhigista xoogagga Hamas.

Warbixinaha ayaa muujinaya in qorshuhu ka tagayo albaab furan oo ku saabsan aayaha dowladnimo ee Falastiin, inkasta oo weli faahfaahinta siyaasadeed iyo dhismaha dawlad cusub ay yihiin kuwo aan caddeyn. Qorshahan ayaa noqon kara fursad cusub oo siyaasadeed, balse wuxuu abuuri karaa kalsooni darro dhinacyada Falastiiniyiinta qaarkood.

Mid ka mid ah qodobada la filayo in muran badan dhaliyaan waa soo jeedinta in Gaza lagu hirgeliyo Maamul Caalami ah oo Ku-Meel Gaar ah (GITA), waxaana la sheegay in Tony Blair, ra’iisul wasaarihii hore ee Ingriiska, loo magacaabi karo inuu hoggaamiyo. Qorshahan ayaa u muuqda mid ka saaraya hoggaanka maxalliga ah ee Falastiiniyiinta meesha , taas oo dhalin karta walaac iyo dhaleeceyn ka timaada dhinacyo badan.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa soo jeediyey inuu ka fiirsan doono in Hamas loo oggolaado cafis ama nabad-gelyo la siiyo haddii ay sii daayaan maxaabiista hartey isla markaana ay joojiyaan weerarrada. Sidoo kale wuxuu ku adkeystay in weerarrada Israa’iil ee socda aysan waxyeeleyn doonin heshiisyada diblomaasiyadeed ee hore u jiray sida Heshiisyada Ibraahim ee gobolka kaas oo ka dhexeeya Mareykanka iyo Isreal.

Qorshahan ayaa la filayaa inuu kiciyo falcelin xooggan oo ka iman doonta dhinacyada  arinkaan khuseeyo, gaar ahaan ururada Falastiiniyiinta, dalalka Carabta iyo Midowga Yurub.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Weeraradii Iran Qaadeysay Oo Hoos U Dhac Ku Yimid, Sabab?

Duqeymaha ay wadaan ciidamada Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah….

  • Caalamka

    06-03-2026

  • 12:57PM

Duqeymaha Mareykanka iyo Israa’iil ee Iran oo sii socda; in ka badan 1,045 qof oo la dilay

Xiisadda sii kordheysa ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in colaadda ay ku faafto Bariga Dhexe oo dhan.

  • Caalamka

    05-03-2026

  • 06:38AM