Mareykanka: Muwaadiniin Shiinees ah oo lagu dhex-dilay beer

Image
Booliska ayaa xabsi u taxaabay hal qof kaasoo la tuhunsan yahay in uu ka dambeeyay falkan khaarijinta ah.

WASHINGTON, United States - Hal eedeysane ayaa loo heystaa dilkii afar qof oo Shiinees ah kuwaasoo Axadii lagu dhex-khaarijiyey beer xashiishka ah oo ku taal miyiga gobolka Oklahoma ee dalka Mareykanka, sida ay sheegeen baarayaal.

Wu Chen, oo 45 jir ah, ayaa xabsi loo taxaabay Talaadadii meel 1,500 mayl (2,400km) u jirta gobolka Florida, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan taliska booliska.

Meydadka ayaa la helay ka dib markii booliiska uu soo wacay qof ku wargeliyay dad lagu haysto meel u dhow magaalada Hennessey, oo 55 mayl waqooyi ka xigta magaalada Oklahoma.

Oklahoma ayaa kamid ah gobolada ku yaala Mareykanka ee laga ogol-yahay beerida ama ka ganacsiga xashiishadda caafimaadka leh. Ma cadda in beertu ay sharciyeysan tahay.

Bilayska ayaa sheegay in tuhmanuhu uu soo galay beerta xashiishka abaare 17:45 wakhtiga maxaliga ah (23:45 GMT) Axadii, markaasoo ay ku jireen "shaqaale dhowr ah".

Warbixinta booliska ayaa intaas ku daraysa in dilkaasi uusan u muuqan mid si bareer ah u dhacay, waxaana loo badinayaa in ninka dilka geystay ay garanayeen dadka la dilay.

Bisha Maarso, codbixiyayaasha Oklahoma ayaa go'aansan doona in loo sharciyeeyo xashiishka iyo in kale. Wadar ahaan, 21 gobol Ameerkaan ah ayaa oggol isticmaalka madadaalada ee xashiishadda, halka 37 gobol ay u ogolaadaan arrimo caafimaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM