Mareykanka oo cadaadis ku bilaabay xukuumadda Abiy Axmed

Image
Wasiirka arrimaha dibadda Ameerika ayaa khadka telefoonka kula hadlay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken oo telefoonka kula hadlay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in xabad joojin laga dhaqan geliyo dalkaas, halkaas oo dowladda iyo ciidamada Tigreegu ay ku heshiiyeen in la joojiyo dagaalka.

"Xoghayaha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loo dhaqan geliyo joojinta heshiiska dagaalka, oo ay ku jiraan ka bixitaanka dhammaan ciidamada shisheeye iyo hub ka dhigista ciidamada Tigrayga," ayuu yiri afhayeenka waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka Ned Price oo bayaan soo saarey.

Wadahadalkan ayaa imaanaya xilli sarkaal sare oo ka tirsan maamulka gobolka Tigray ee dalka Itoobiya uu dhowaan sheegay in ciidamada Eritrea ay geysanayaan gabood-fallo, inkastoo dhawaan la gaaray heshiis lagu soo afjarayo dagaalka labada sano socday.

Afhayeenka Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray Getachew Reda ayaa carabka ku adkeeyay in ciidamada Eritrea ay laayeen dad shacab ah, isla markaana ay dhac iyo hanti burburin u geysteen.

Reda oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in askarta Tigreega aysan hubka dhigi doonin ilaa dowladda Itoobiya ay xaqiijiso ka bixitaanka Eritrea iyo ciidamada kale ee gobolka.

Dhanka kale, sarkaal kale oo u hadlay Itoobiya ayaa tibaaxay in qadiyadda Eritrea la xalin doono marka ugu horreysa ee ciidamada federaalku ay fariisimo ka dhigtaan aagga xuduudda Tigrayga.

Boqolaal qof ayaa ku geeriyootay, kumaanaan kale way ka barakaceen guriyahooda tan iyo markii colaadda waqooyiga Itoobiya ay bilaabatay. Heshiiska nabadda ee lagu saxiixay Koonfur Afrika wuxuu kasoo baxay dadaalo uu sameeyay ururka Midowga Afrika. Hase ahaatee, fulintiisa waa halka ay sirtu wali ka quransan tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM