Mareykanka oo codka diidmada qayaxan ku horistaagay xabbad-joojinta Qasa

Image
Duqeymaha Israa’iil ee Qasa ayaa weli sii socda, iyadoo tobaneeyo lagu dilay koonfurta Qasa.

DOOXA, Qadar - Mareykanka ayaa diidmada qayaxan ku diiday qaraarka xabad joojinta Qasa ee uu soo jeediyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ka dib fadhi golaha ammaanka uu uga dooday dagaalka Qasa iyo xabbad joojinta.

Falastiiniyiinta ayaa ku dhaleeceeyay Mareykanka inuu ka dhago adaygay baaqa Qaramada Midoobay ee xabad joojinta, inkastoo ay jiraan cadaadis sii kordhaya oo ku aadan sidii loo badbaadin lahaa shacabka falastiin ee ku sugan Qasa.

Duqeymaha Israa’iil ee Qasa ayaa weli sii socda, iyadoo tobaneeyo la sheegay in lagu dilay weerarrada Khan Yuunis ee koonfurta magaaladaas, hay’adda cunnada adduunka ee WFP ayaa sheegtay in Falastiiniyiinta ku barakacay dagaalka ay ku nool yihiin waddooyinka iyaga oo aan helin cunto iyo agab kale oo aasaasiga ah.

Ugu yaraan 17,487 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Qasa tan iyo 7-dii October. halka tirada rasmiga ah ee dhimashada Israa’iil ay marayso 1,147 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM