Mareykanka oo dhaliilay codsiga soo xirida Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil

Image
Dacwad oogaha maxkamada ICC Karim Khan ayaa gudbiyay dalabkan oo sidoo kale lagu soo qabanayo hogaanka Xamaas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalada sii xoogeysanaya ayaa weli ka socda guud ahaan Qaza, iyadoo dhowr qof lagu dilay weerarrada Israa’iil ay ka geysatay bartamaha Gaza, ugu yaraan 18 kalena lagu dilay Jabalia iyo Beit Lahiya oo ku yaalla waqooyiga.

Dacwad oogaha maxkamada ICC Karim Khan ayaa gudbiyay codsi ah in la soo xiro ra'iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, wasiirka difaaca Yoav Gallant iyo hogaamiyayaasha Xamaas Yahya Sinwar, Mohammed Diab Ibrahim Al-Masri iyo Ismail Haniyeh.

Qaar ka mid ah wadamada reer galbeedka, oo ay ku jiraan US, UK, Italy iyo Germany, ayaa dhaleeceeyay tallaabada, iyagoo ku doodaya codsiyo isku mar ah oo lagu soo xirayo madaxda Xamaas iyo saraakiisha Israel ay abuureyso wax u dhigma.

Aqalka Cad ayaa diiday in uu sheego sida uu Maraykanku uga jawaabi doono codsiga dacwad oogaha ICC ka dib markii madaxweyne Biden uu ku tilmaamay tillaabada "wax laga xumaado".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: "Israa'iil dambe ma weerari doonto xarumaha gaaska ee Iran."

Digniintii adkayd ee ka timid Riyadh oo sheegtay in "dulqaadkii Khaliijka ee weerarada Iran uu dhammaaday."

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 11:05AM

Senate-ka Mareykanka Oo Diiday Xeer Lagu Xaddiday Awoodda Trump ee Dagaalka Iran

Hoggaamiyaha Dimuqraaddiga ee Senate-ka Chuck Schumer ayaa ka hor codeynta sheegay in aysan caddayn ujeeddooyinka dagaalka.

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 10:52AM