Mareykanka oo digniin kale kasoo saarey garoonka Kabul

Image
Madaxwayne Joe Biden ayaa sheegay in weerar uu horaanta Axada ka dhici karo madaarka.

KABUL, Afghanistan - Weerar kale oo lagu qaado garoonka diyaaradaha ee Kabul waa suurtagal, sida uu ka digay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, isaga oo sheegay in taliyayaashu ay u sheegeen in uu dhici karo horaanta Axadda.

Waaxda arrimaha dibedda ayaa ku boorrisay dhammaan muwaadiniinta Mareykanka inay ka baxaan agagaarka garoonka diyaaradaha sababtoo ah in ay jirto "khatar gaar ah oo lagu kalsoonaan karo".

Mareykanka ayaa sii wada daadgureynta dadka ka baxaya Kabul balse ciidamadii ugu dambeeyay ee UK, diblomaasiyiin iyo saraakiil ayaa ka hayaamay Kabul.

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Khamiistii ayaa sababay dhimashada ilaa 170 qof. Laanta maxalliga ah ee kooxda Dawladda Islaamiga - Dawladda Islaamiga ah ee Gobolka Khorasan (IS -K) - ayaa sheegatay weerarka.

Aargudasho ahaan, Mareykanku wuxuu duqeyn xagga cirka ah ka fuliyay bariga Afghanistan dabayaaqadii Jimcihii, isagoo sheegay inay dileen laba ka mid ah "kuwa aadka loo hadal hayo" ee IS-K.

Labadaba waxaa lagu tilmaamaa qorsheeye iyo fududeeye. Ma cadda in ay si toos ah ugu lug lahaayeen qorsheynta weerarka garoonka diyaaradaha ee Kabul.

"Duqeyntan ma ahayn tii ugu dambaysay. Waan sii wadi doonnaa ugaarsiga qof kasta oo ku lug leh weerarkaas foosha xun waxaana marsiin doonaa cawaaqibkooda," ayuu Mr Biden ku yiri bayaan uu soo saaray Sabtidii.

IS-K waa kooxda ugu daran uguna rabshadaha badan dhammaan kooxaha mintidiinta jihaad doonka ah ee Afgaanistaan ​​waxayna khilaaf weyn kala dhaxeeyaa Taalibaan oo hadda gacanta ku haysa inta badan dalka.

Waxay ku eedaynaysaa inay ka tageen goobtii dagaalka iyagoo doorbidaya heshiis nabadeed oo laga wada xaajooday Mareykanka.

Taalibaan oo dowlad soo dhiseysa ayaa cambaareysay duqeynta cirka, iyagoo sheegay in Mareykanka ay ahayd inuu marka hore la tashado, sida uu sheegay afhayeen u hadlay kooxda kaasoo ay soo xigata wakaaladda wararka ee Reuters.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo soo saarey Go'aan culus oo saameynaya Soomaaliya

Tallaabadan ayaa dhaliyay walaac iyo cambaareyn xooggan oo ka imaanaysa bulshada caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.

  • Caalamka

    05-06-2025

  • 10:55AM

Iran oo Maraykanka Ka Dalbatay Inuu Ka Qaado Cunaqabateynta Dhaqaale

Labada dhinac ayaa todobaadyo badan waday wadahadallo adag oo la xiriira barnaamijka nukliyeerka.

  • Caalamka

    02-06-2025

  • 01:19PM