Mareykanka oo dilay sarkaal sare oo ka tirsan Al Qaacida

Image
Weerarkan oo dhacay Isniintii ayaa lagu bartilmaameedsaday Abu Hamzah al Yemeni.

DIMISHIQ, Suuriya – Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay weerar ka fuliyeen gobolka Idlib ee dalka Suuriya kaas oo lagu beegsaday hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

Weerarkan oo dhacay Isniintii ayaa lagu bartilmaameedsaday Abu Hamzah al Yemeni, oo ah “hogaamiye sare” oo ka tirsan ururka Al-Qaacida ee Hurras al-Diin, xilli uu keligiis ku safrayay mooto, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay taliska dhexe ee Maraykanka.

Waxay intaa ku dartay in warbixinaha hore aysan muujinin khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah.

Kooxaha rabshadaha sida Hurras al-Din ayaa khatar joogta ah ku haya Maraykanka iyo xulafadiisa, sida lagu sheegay bayaanka.

"Khaarajinta hoggaamiyahan sare waxay carqaladayn doontaa awoodda al-Qaacida si ay u fuliso weerarrada ka dhanka ah muwaadiniinta Mareykanka, saaxiibadayada iyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee caalamka," ayaa lagu daray qoraalka waaxda difaaca Maraykanka.

Hay'adda Difaaca Madaniga ah ee Suuriya, oo ah hay'ad bini'aadantinimo, ayaa barteeda twitter-ka ku sheegtay in nin la dilay wax yar ka hor saqdii dhexe ka dib markii mooto uu watay lagu beegsaday laba gantaal, iyadoo intaas ku dartay inay maydka u wareejisay waaxda dambi-baarista ee magaalada Idlib.

Duqeymahan ayaa yimid 10 maalmood ka dib markii weerar dhulka ah oo naadir ah oo ciidamada Mareykanka ay ka fuliyeen waqooyi-galbeed Suuriya ay ku qabteen hoggaamiye sare oo ka tirsan Daacish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Diyaariyay Qorshaha Duullaanka Dhulka ee Iran

Dhanka kale, kumanaan askari oo ka tirsan Marines-ka Mareykanka iyo ciidamada badda ayaa loo dirayaa gobolka.

  • Caalamka

    22-03-2026

  • 07:39AM

Trump: "Israa'iil dambe ma weerari doonto xarumaha gaaska ee Iran."

Digniintii adkayd ee ka timid Riyadh oo sheegtay in "dulqaadkii Khaliijka ee weerarada Iran uu dhammaaday."

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 11:05AM