Mareykanka oo "fashiliyay" gantaal ay soo rideen Xuutiyiinta Yemen

Image
Gantaalkan ayaa waxaa lagu waramay inuu ku wajahnaa markab laga leeyahay dalka Singapore.

DOOXA, Qadar - Taliska Dhexe ee Milliteriga Maraykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in markab Maraykanku leeyahay uu soo riday laba gantaal oo nooca Ballistic-ga ah, sidda uu ku faafiyay bartiisa X (Twitter).

Warka qoraalka ah ayaa waxaa lagu sheegay in talaabadan uu markabka qaadey xilli uu ka jawaabayay weerar ay Xuutiyiintu ku qaadeen Markab ganacsi.

"Markabka Maersk Hangzhou ee kontaynarrada ayaa dalbaday gargaar ka dib markii uu sheegay in lagu dhuftay gantaal xilli uu marayay badda cas ee koonfurta," ayuu taliska CENTCOM sheegay.

War-saxaafadeedka ayaa wuxuu intaas ku daray: "Maraakiibteena USS Gravely iyo USS Laboon waxay ka jawaabeen codsigii markabka laga leeyahay dalka Singapore oo Denmark leeyahay".

"Iyadoo jawaabta laga bixinayo, USS GRAVELY waxay soo ridday laba gantaal oo lidka maraakiibta ah oo laga soo tuuray aagga ay Xuuthiyiinta ka taliso ee Yemen oo ku wajahan maraakiibta," ayuu sii raaciyay.

Taliska CENTCOM ayaa qoraalkooda waxa ay kusoo gabagabeeyeen: "Markabku waxaa lagu soo waramayaa inuu yahay mid badeed, mana jiraan dhaawacyo la soo sheegay".

Xuutiyiinta ayaa dhowrkii todobaad lasoo dhaafay waxay waddeen weeraro ay sheegeen in ay ku garab-istaagayaan Xamaas iyo Falastiiniyiinta ayna beegsanayaan maraakiibta gacan-saarka la leh xulafada Yahuuda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM