Mareykanka oo "gabaad-siiyey" dhaxal-sugaha Sacuudiga

Image
Go'aankan ayaa la xiriira kiiska dilka wariyihii wargeyska Washington Post ee Jamal Khashoggi.

WASHINGTON, USA - Mareykanka ayaa go'aamiyay in dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mohammed bin Salman, aan dacwad la xiriirta dilka wariye Jamal Khashoggi looga furi karin gudaha waddankaas.

Khashoggi, oo mucaarad weyn ku ahaa nidaamka haatan ka jira waddanka Sacuudiga, ayaa lagu dilay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul bishii Oktoobar 2018.

Sirdoonka Mareykanka oo baaritaan u madax-banaan ku sameeyay kiiskan ayaa shaaca ka dhigay inay rumeysan yihiin in Amiir Maxamed uu amray khaarijinta saxafiga.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka oo warqad u dirtey maxkamadda ayaa sheegtay in uu leeyahay xasaanad, sababtuna tahay xilkiisa cusub ee ra'iisul wasaaraha Sacuudiga.

Gabadhii u doonaneyd Mr Khashoggi ee Hatice Cengiz ayaa barteeda Twitter-ka ku soo qortay in “Jamal uu maanta mar kale dhintay” kadib markii maxkamada ay taageertay hadalka wasaaradda.

Iyada oo ay weheliso kooxda u dooda xuquuqda aadanaha ee Dimuqraadiyadda Dunida Carabta Now (Dawn), oo uu aasaasay Mr Khashoggi - waxay Mareykanka ka doonayeen in ay dacwad kusoo oogaan Maxamed bin Salman.

Ololahooda ayaa wuxuu ku eedaysay hogaamiyaha Sucuudiga iyo saraakiishiisa in ay "afduubteen, xidhxidheen, daroogaysteen oo jirdileen, oo ay dileen weriye Maraykan ah iyo u doodihii dimuqraadiyadda Jamal Khashoggi".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muwaadiniinta Shiinaha oo Lagu Dhibaateeyo Garoomada Diyaaradaha New Zealand

Ganacsiga u dhexeeya labada dal ayaa ah mid aad u ballaaran, iyadoo labada dal ay sanadkii hore wada ganacsadeen qiimo dhan 22.9 bilyan oo doollar.

  • Caalamka

    17-09-2025

  • 07:41AM

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM