Mareykanka oo gacanta ku dhigay "taliye sarre Daacish ah"

Image
Horjoogahan ayaa lagu waramay in uu qaabilsanaa qorsheynta weerarada iyo soo saarista qaraxyadda.

WASHINGTON, USA - Ciidamada Ameerika oo kaashanaya dhigooda Xoogaga Dimuqraadiga Suuriya ayaa ku qabtay sarkaal ka tirsan ISIS kadib howlgal loo adeegsadey helicopter oo ka dhacay bariga Suuriya, sida uu ku dhawaaqay taliska dhexe ee Mareykanka.

Sarkaalka ISIS, oo magaciisa lagu sheegay Batar, ayaa "ku lug lahaa qorsheynta weerarrada xarumaha SDF-ta iyo soo saarista walxaha qarxa," sida ay sheegtay CENTCOM.

"Ma jiro askari Maraykan ah ama xulafadiisa oo dhaawacmay, sidoo kale ma jiraan dad rayid ah oo ay waxyeelo kasoo gaartey howlgalkan," ayaa lagu caddeeyay bayaanka taliska CENTCOM.

Duullaankan ayaa ah kii ugu dambeeyay ee maalmihii lasoo dhaafay lagu bartilmaameedsanayay saraakiisha iyo taliyayaasha Daacish. Arbacadii, ciidamada Mareykanka ayaa dilay Ibrahim Al Qahtani, oo lagu sheegay inuu ahaa sarkaal ka tirsan Daacish.

Khamiistii, weerar kale oo ka dhacay bariga Suuriya ayaa lagu dilay Hamza al-Xomsi, oo ahaa taliyihii Daacish ee gobolka. Afar askari oo Maraykan ah iyo ey ka mid ah ciidamada milatariga ayaa ku dhaawacmay intii uu socday weerarka.

Mareykanka ayaa bilihii lasoo dhaafay kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Daacish. Bishii Janaayo, ciidamada Mareykanka ayaa gudaha Soomaaliya waxa ay ku dileen hogaamiye ka tirsan Daacish iyo xubno kale.

Howlgalkan ayaa waxyaabaha naadirka ka dhigay waxaa kamid ah in lagu fuliyey diyaarad nooca qumaatiga u kacda ah iyo ciidamo dhulka ah maadaama dhaqdhaqaaqyada ciidanka Mareykanka ee Soomaaliya looga bartey duqeymo dhanka cirka ah.

Taasi waxay caan ku ahayd inay ahayd duullaan diyaaradeed oo ay ku lug lahaayeen ciidamada dagaalka dhulka, halkii ay ka ahaan lahaayeen duqeymaha Mareykanka uu inta badan ka fuliyo Soomaaliya ee ka dhanka ah kooxda xagjirka ah ee al-Shabaab.

Saddexdii howlgal ee todobaadkii lasoo dhaafay ayaa ka dhigan mid ka mid ah hawlgalladii ugu darnaa ee dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, sidda ay sheegeen falanqeeyeyaasha dhanka amniga kuwaasoo hoosta ka xariiqay in ay caddeyneyso mowqifka Washington ee ISIL.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM