Mareykanka oo iska fogeeyay eedeyn kaga timid Ruushka

Image
Labada quwadood ayaa madaxa iskula jira sababo ku aadan xiisadda ka oogan Ukraine.

MOSCOW, Russia - Mareykanka ayaa Sabtidii beeniyay in uu howlgalo militari ka sameeyay biyaha dalka Ruushka kadib eedeymo xooggan ay kaga imaaddeen xukuumadda Moscow.

Moscow ayaa sheegtay in markab ay leeyihiin ciidamada badda Ruushka ay ka celiyeen maraakiibta Mareykanka "oo marayey biyaha Ruushka ee badweynta Pacific-ga".

Ruushka oo bayaan rasmi ah soo saarey ayaa ku eedeeyay Washington inay ku xad gudubtay sharciga caalamiga ah ayna abuurtay khatar amni qaran oo ku saabsan dhacdadan.

Dhacdadan ayaa waxay kusoo hagaagtey xilli ay xiisad adag ka dhex aloosantay Moscow iyo Washington oo ku saabsan "ciidan Ruushku ku soo ururiyay meel u dhow Ukraine".

U qeybsanaha ciidamada Mareykanka ee ku sugan magaalada Moscow ayaa looga yeeray wasaaradda gaashaandhigga Ruushka sababo ku aadan xadgudubka lagu eedeeyay, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Ruushka.

Cidda iska leh afarta jasiiradood ee ku yaala Kuril waxa ku muransan Ruushka iyo Japan. Mid walba oo kamid ah labadan dowladood wuxuu ku doodayaa in uu isagu leeyahay.

Reer Galbeedka iyo Ruushka ayaa u muuqanaya in uu ka dhex-qarxay dagaal dhanka afka ah ama wax loogu yeeri karo dagaal qabow maadaama eedeymo warbaahinta isku marinayaan.

Mareykanka oo horboodaya reer galbeedka wuxuu sheegay in Ruushka uu diyaariyey 100-kun askari uuna "waqti kasta" duulaan ku qaadi karo  Ukraine wallow Moscow ay beenisay.

Washington ayaa waxay si toos ah ugu hanjabay in ay cunaqabatayn ku soo rogi doono gardaro kasta oo milatari, halka Moscow ay beenisay in ay wax damacsan tahay nooc kasta oo duulaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xaaska Macron oo Dacwad ka gudbisay haween ah oo sheegay in markii hore Nin ahaan jirtay

Dacwadda waxay salka ku haysaa muuqaal YouTube ah oo la daabacay 2021, halkaas oo laba haween ah.

  • Caalamka

    15-07-2025

  • 09:11AM

Hal Sano Kadib Isku-daygii dilka Trump, Eedeysane Labaad oo Maxkamad Tagaya

Toddobaadkii hore, Routh ayaa maxkamad federaal ah ka hor sheegay inuu doonayo inuu iska eryo qareenadiisa uu dowladda ka helay.

  • Caalamka

    14-07-2025

  • 12:33PM