Mareykanka oo ka baaqdey talaabo ka careysiin kartay Ruushka

Image
Xukuumadda Washington ayaa go'aankan u daliishatay si ay uga fogaato xiisadda Moscow

WASHINGTON, USA - Pentagon-ka ayaa sheegay in Maraykanku uu dib u dhigay tijaabada gantaalaha ballistic-ga ee qaaradaha isaga gudba si looga fogaado in uu ka caroodo waddanka Ruushka.

"Dadaal aan ku muujineyno in aanan wax niyad ah u haynin ku lug-lahaanshaha fal kasta oo si khaldan loo fahmi karo ama hurin kara colaadda, xoghayaha gaashaandhigga ayaa faray in tijaabadii Minuteman III ee gantaallada ballistic-ga ee qaaradaha isaga gudba ee loo qorsheeyay toddobaadkan in dib loo dhigo," ayuu yiri afhayeenka Pentagon-ka John Kirby oo la hadlay suxufiyiinta.

Kirby oo wariyeyaasha uga jawaabay su'aallo ayaa ku daray: "Ma aynaan qaadan go'aankan si fudud, laakiin taa beddelkeeda si aan u muujinno inaan nahay awood nukliyeer ah oo mas'uul ka ah".

Dhanka kale, Lukoil oo ah shirkadda labaad ee ugu soo saarka badan saliidda Ruushka ayaa ku baaqaysa in la soo afjaro colaadda Ukraine. Shirkadda ayaa loo maleynayaa inay tahay mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee Ruushka ee naqdiyey duulaanka.

Warbixin ay shirkaddu soo dhigtay website-keeda ayay ku sheegtay inay ka walaacsan tahay "dhacdooyinka naxdinta leh ee ka dhacay Ukraine" ayna taageerayaan wada xaajoodka lagu soo afjarayo dagaalka.

Guddiga sarre ee shirkadda ayaa wuxuu ku baaqay "in si degdeg ah loo joojiyo iska-hor-imaadka hubeysan ayna si buuxda u taageerayaan in lagu xalliyo habka wadahadalka iyo hab diblomaasiyadeed".

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in "howlgalkiisa gaarka ah" - haddii si kale loo dhigo noqonaya duullaanka Ruushka ee Ukraine - uu "u soconayo sidda uu qorshuhu ahaa".

Sheegashadiisa ayaa timid iyadda oo falanqeeyayaal badan ay sheegeen "in gulufka uu wajahayo gaabis" ayaga oo daliishanaya in shacabka Ukraine ay duulaanka u wajaheen si isku mid ah.

Khudbad uu ka jeediyay taleefishinka ayuu ku eedeeyay ciidamada Ukraine inay qafaasheen kumannaan ajaanib ah oo ay dadka rayidka ah "ayna ka dhiganayaan gaashaan" - ma uusan bixin wax caddayn ah oo ku saabsan hadalkdaas.

Putin waxa uu intaa ku daray in dadweynaha Ruushka iyo Ukraine ay yihiin "hal dad" wuxuuna sheegay in uu "burburin doono dadka Ruushka lidka ku ah ee ay abuureen reer Galbeedka". Ma shaacin magacyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo duqeyn cusub ku laysay tobanaan qof Falastiini ah

Xiisad ayaa ka taagneyd guud ahaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaan.

  • Caalamka

    18-05-2024

  • 03:26AM

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM