Mareykanka oo ka digay weerar loo maleegayo hotel caan ah

Image
Muwaadiniinta Ameerikaanka ah ayaa lagu waaniyay in ay ka fogaadaan hotel-kaas.

ISLAMABAD, Pakistan - Safaaradda Mareykanka ee Islamabad ayaa waxay uga digtay shaqaalaheeda suurtagalnimada weerar lagu qaado muwaadiniinta Mareykanka ah ee ku sugan hoteelka ugu caansan magaaladaas.

Dhawaqan lama filaanka ah ayaa waxa uu sababay in caasimadda Pakistan ay durba gasho feejignaan dheeri ah laba maalmood ka dib markii uu dhacay weerar ismiidaamin ah.

Washington ayaa heshay xog ku saabsan in “shakhsiyaad aan la garaneyn ay suurtagal tahay in ay qorsheynayaan weerar ay ku qaadaan dadka Mareykanka ah ee ku sugan Hotelka Marriott ee Islamabad xilliyada fasaxa”, sida ay safaaradda ku sheegtay digniin amni Axadii.

Fariintan digniinta ah ayaa ka mamnuucday shaqaalaha safaaradda Mareykanka iyo muwaadiniinta kale inay booqdaan hoteelka caanka ah inta lagu jiro fasaxa Christmas-ka.

Hawlgalka Mareykanka ayaa wuxuu sidoo kale ku booriyay dhammaan shaqaalaha inay ka fogaadaan "safarka aan muhiimka ahayn ee Islamabad inta lagu jiro xilliga fasaxa".

Digniinta safaaradda ayaa daba socday weerar ismiidaamin ah oo Jimcihii ka dhacay xaafad ku taal Islamabad, kaasoo uu ku dilay sarkaal booliis ah 10 qofna ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa dhacay markii ay booliisku joojiyeen gaari taksi ah oo ay ku baarayeen xilli ay roondo ku jireen. Sida laga soo xigtay booliisku, qof ka mid ahaa rakaabka kursiga dambe ayaa qarxiyay walxaha qarxa oo uu sitay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: "Israa'iil dambe ma weerari doonto xarumaha gaaska ee Iran."

Digniintii adkayd ee ka timid Riyadh oo sheegtay in "dulqaadkii Khaliijka ee weerarada Iran uu dhammaaday."

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 11:05AM

Senate-ka Mareykanka Oo Diiday Xeer Lagu Xaddiday Awoodda Trump ee Dagaalka Iran

Hoggaamiyaha Dimuqraaddiga ee Senate-ka Chuck Schumer ayaa ka hor codeynta sheegay in aysan caddayn ujeeddooyinka dagaalka.

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 10:52AM