Mareykanka oo ka hadlay agabka uu kaga soo tagay Kabul

Image

KABUL, Afghanistan - Waxaa soo baxay sawirro dagaalyahannada kooxda Taliban oo wata qalab milateri oo ay ciidammada Mareykanka kaga tageen garoonka diyaaradaha Kabul ee Hamid Karzai.

Guud ahaan 73 diyaaradood, ku dhawaad ​​100 baabuur iyo qalab kale ayay ciidamada Maraykanku ka tageen markii ay ka baxeen waqtigii loo qabtay ee 31 Ogosto.

Laakiin, madaxa taliska dhexe ee Mareykanka Gen Kenneth McKenzie ayaa sheegay in dhammaantood laga dhigay wax aan suurtagal ahayn in la isticmaalo.

"Diyaaradahaas mar dambe ma duuli doonaan," ayuu yiri isaga oo shir jaraa'id kula hadlaya warbaahinta maxaliga ah ee magaalada Washington waxyar kadib bixitaanka askarta Ameerikaanka.

Diyaaradaha laga tagey waxaa kamid ah: Helicopters nooca MD-530, oo loo adeegsado sirdoonka iyo duqeymaha Diyaaradaha A-29 oo loo adeegsado weerarada fudud, kuwaasoo qiimahoodu yahay $10m.

Taliban ayaa sugeysay amaanka banaanka Garoonka Hamid Karzai International Airport oo labo todobaad ka socotay daad-gureyn xoogan oo ay wadeen dowladaha caalamka ee reer Galbeedka.

Ciidamada ajnabiga ee kasoo baxay madaarka waxay daabuleen in ka badan 120,000 oo qof oo reer Afghanistan ah kuwaasoo la shaqeynayay mudadii ay dalka joogeen oo ah wax ka badan 20-sano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo soo saarey Go'aan culus oo saameynaya Soomaaliya

Tallaabadan ayaa dhaliyay walaac iyo cambaareyn xooggan oo ka imaanaysa bulshada caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.

  • Caalamka

    05-06-2025

  • 10:55AM

Iran oo Maraykanka Ka Dalbatay Inuu Ka Qaado Cunaqabateynta Dhaqaale

Labada dhinac ayaa todobaadyo badan waday wadahadallo adag oo la xiriira barnaamijka nukliyeerka.

  • Caalamka

    02-06-2025

  • 01:19PM