Mareykanka oo ka walaacsan qorshe uu wado Erdogan

Image
Ankara ayaa tan iyo sannadkii 2016-kii saddex duullaan ku qaadday waqooyiga Suuriya.

ANKARA, Turkey – Mareykanka ayaa Talaadadii walaac ka muujiyay qorshaha Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan uu ku doonayo in uu dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo cusub uga bilaabo xudduudda koonfureed ee dalkaas, isagoo sheegay in weerar kasta oo cusub oo lagu qaado waqooyiga Suuriya uu wiiqayo xasilloonida gobolka, isla markaana uu halis gelinayo ciidamada Mareykanka.

"Waxaan aad uga walaacsanahay warbixinnada iyo doodaha ku saabsan suurtagalnimada kororka dhaq-dhaqaaqa militari ee waqooyiga Suuriya, gaar ahaan, saameynta ay ku leedahay dadka rayidka ah ee ku nool halkaas," ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Ned Price.

"Waan aqoonsannahay walaaca ammaanka ee dhabta ah ee Turkiga ee ka jira xudduudda koonfureed ee Turkiga, laakiin weerar kasta oo cusub wuxuu sii wiiqi doonaa xasilloonida gobolka wuxuuna halis gelinayaa ciidamada Mareykanka iyo ololaha isbaheysiga ee ka dhanka ah ISIS," ayuu sii raaciyay Price.

Erdogan ayaa Isniintii sheegay in Ankara ay dhawaan bilaabi doonto howlgallo cusub oo militari oo laga sameeyo xuduudaheeda koonfureed si loo abuuro aagag nabdoon oo 30 km ah, si loola dagaallamo waxa uu ku tilmaamay khataraha argagixisada ee ka imaanaya gobolladan.

Hawlgalkan ayay u badan tahay inuu bartilmaameedsado waqooyiga Suuriya, halkaas oo Turkigu dhowr ka fuliyay hawlgallo milatari tan iyo 2016, si uu u wiiqo unugyada hubeysan ee Kuriyiinta ee YPG iyo PKK.

Ankara ayaa tan iyo sannadkii 2016-kii saddex duullaan ku qaadday waqooyiga Suuriya, iyadoo la wareegtay boqollaal Kiilo Mitir oo dhul ah, waxayna 30 KM gudaha u gashay dalkaas, iyadoo hawlgalladan inta badan lagu bartilmaameedsaday maleeshiyada Kurdiyiinta Suuriya ee YPG ee uu Maraykanku taageero.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM