Mareykanka oo ku dhawaaqay dilka horjooge sarre Daacish ah

Image
Khalid Ayyd Ahmad al-Jabouri ayaa la sheegay in uu mas'uul ka ahaa qorsheynta weeraradda dibadda.

DIMISHIQ, Suuriya - Horjooge sare oo ka tiranaa kooxda argagixisada Daacish ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo ka dhacay dalka Suuriya, sida uu sheegay taliska dhexe ee Mareykanka Talaadadii.

CENTCOM oo war-saxaafadeed rasmi ah soo saarey ayaa shaaca ka dhigay in Khalid Ayyd Ahmad al-Jabouri lagu khaarijiyey waqooyi-galbeed ee Suuriya horraantii Talaadadii.

"Qiimeynta la sameeyay illaa haatan, ma jiro wax khasaare ah oo dad rayid ah ka soo gaaray duqeyntan dhanka cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha drones-ka, sidda ku xusan warbixinta.

Dhinaca kale, Daacish ayaa illaa haatan waxa aysan ka hadlin dilka hogaamiyahan oo la tilmaamay in uu si dhow ula shaqeynayey ajaaniibta dibadda uga howlgasha kooxda.

Al-Jabouri ayaa mas’uul ka ahaa weerarro ay Daacish ka fulisay Yurub iyo Turkiga. "Wuxuu door muhiim ah ka ciyaaray waxa loogu yeero shaqaalaha sare ee Deash ee Turkiga," ayuu taliska raaciyay.

Taliska CENTCOM ayaa wuxuu intaas kusii daray: "Dhimashada Al-Jabouri waxay si ku-meel-gaar ah u carqaladayn doontaa awoodda ururka ee qorsheynta weerarrada dibadda".

"DAESH/Isis waxay sii wadaan inay matalaan khatar gobolka iyo meelo ka baxsan," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka. Ma jiro xog dheeraad ah oo ku saabsan howlgalka lagu dilay horjooge Al-Jabouri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: "Israa'iil dambe ma weerari doonto xarumaha gaaska ee Iran."

Digniintii adkayd ee ka timid Riyadh oo sheegtay in "dulqaadkii Khaliijka ee weerarada Iran uu dhammaaday."

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 11:05AM

Senate-ka Mareykanka Oo Diiday Xeer Lagu Xaddiday Awoodda Trump ee Dagaalka Iran

Hoggaamiyaha Dimuqraaddiga ee Senate-ka Chuck Schumer ayaa ka hor codeynta sheegay in aysan caddayn ujeeddooyinka dagaalka.

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 10:52AM