Mareykanka oo Markab dagaal oo Iran leedahay ku gubey meel ku dhaw Sri Lank
COLOMBO, Sri Lanka — Masuuliyiinta dalka Sri Lanka ayaa xaqiijiyey in gujis (Submarine) laga leeyahay dalka Maraykanka uu meel ka baxsan xeebaha dalkaas ku gubay markab dagaal oo ay lahayd dowladda Iiraan, kaas oo lagu magacaabo IRIS Dena.
Weerarkan oo ka dhacay biyaha caalamiga ah ee Badweynta Hindiya, ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 87 xubnood oo ka tirsanaa shaqaalihii markabka, halka in ka badan 60 qof oo kale ilaa hadda la la’yahay.
Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka (Pentagon) ayaa sheegtay in markabka Iiraan lagu garaacay gantaal nooca loo yaqaan Torpedo, xilli uu ka soo laabanayay dhoolatus ciidan oo caalami ah. Tani waxay calaamad u tahay markii ugu horreysay tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka oo gujis Maraykan ah uu quqiyo markab dagaal oo cadow ah.
Wararka ayaa intaas ku daraya in markabka Iiraan uusan dareemin joogitaanka gujiska Maraykanka, xitaa markii uu gujisku ku sugnaa moolka gaaban ee lagu arki karo muraayadaha (Periscope depth).
Markabka la quusiyey ee IRIS Dena ayaa ka qayb galayay dhoolatuska caalamiga ah ee Milan-2026 oo ay soo qabanqaabisay badda Hindiya, kaas oo ka dhacay magaalada Visakhapatnam laga bilaabo 18-kii Febraayo. Dhoolatuskan ayaa diiradda lagu saarayay dagaalka maraakiibta quusta, difaaca hawada, iyo hawlgallada samatabbixinta.
Ugu yaraan 87 qof ayaa lagu dilay markabka la dejiyay, iyadoo lasoo badbaadiyay 32 of oo la geeyay Isbitaalo ku yaala Sri Lanka.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii Ra'iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi uu booqday Israa'iil, isagoo khudbad ka hor jeediyey baarlamaanka dalkaas. Booqashadan ayaa ku soo beegantay xilli Israa'iil ay raadinayso isbahaysi cusub oo loogu magac daray "Hexagon Alliance" kaas oo ka dhan ah saamaynta Iiraan ee gobolka.
Pentagon-ka ayaa si cad u sheegay in mid ka mid ah hadafyada ugu waaweyn ee weerarada Maraykanka iyo Israa'iil ay tahay in gebi ahaanba la wiiqo awoodda ciidanka badda ee Iiraan.
Dowladda Hindiya ayaa wajahaysa cambaarayn xooggan oo ku aaddan in ay ka gaabsatay inay cambaareyso duqeymaha Maraykanka iyo Israa'iil ay ku hayaan gudaha Iiraan. Sidoo kale, ka hor intaanan weerarkan dhicin, ilaalada xeebaha Hindiya ayaa qabtay saddex markab oo shidaal oo lala xiriirinayo Iiraan meel ka baxsan xeebaha Mumbai.
GAROWE ONLINE