Mareykanka oo raadinaya inuu wadahadalo la yeesho Iiraan

Image
Xiisada ayaa sare u kacday kadib weerar looga shakisan yahay in Israel ay ku qaaday qunsuliyada Iran ee Suuriya 2-dii Abriil.

DOOX, Qadar - Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warameysa in ergeyga Mareykanka ee bariga dhexe Brett McGurk uu wacay wasiirrada arrimaha dibadda ee Sacuudiga, Imaaraadka, Qatar iyo Ciraaq si uu uga codsado inay gaarsiiyaan farriin uu ugu baaqayo Tehran inay hoos u dhigto xiisadda kala dhexeysa Israa’iil.

Iyada oo soo xiganaysa ilo aan la magacaabin oo xaaladda la socda, ayaa warbixintu sheegtay in McGurk uu ka codsaday mas'uuliyiinta inay la xiriiraan wasiirka arrimaha dibadda ee Iran si ay ugu gudbiyaan fariinta ay Israa'iil ku joojinayaan, taas oo ay sameeyeen.

Xiisada ayaa sare u kacday kadib weerar looga shakisan yahay in Israel ay ku qaaday qunsuliyada Iran ee Suuriya 2-dii Abriil.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa Arbacadii sheegtay in wasiirrada arrimaha dibadda ee afarta dal ay talefoonka kula hadleen wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayna ka wada hadleen xiisadaha gobolka. Aqalka Cad ayaa diiday inuu faallo ka bixiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM