Mareykanka: Afghanistan waxay u burburtey hogaan la'aan

Image

WASHINGTON, USA - Burburka deg-degga ah ee dawladda ​​iyo milatariga Afqaanistaan waxaa sabab u ahaa hoggaan la’aan, in kasta oo sanado badan uu Maraykanku gargaar iyo tababar siinayey, sida ay sheegtay Pentagon-ka.

“Waad tashan kartaa, waad tababaran kartaa, waad taageeri kartaa, waad waanin kartaa, waad caawin kartaa. Adigu ma iibsan kartid doonista, ma iibsan kartid hoggaan, hogaan la'aan ayaa la tabayaa, ”ayuu yiri afhayeenka Pentagon-ka, John Kirby.

Sida uu xusay Kirby, ciidamada Mareykanka ayaa kala shaqeynaya dhigooda Turkiga iyo kuwa kale ee caalamiga ah si ay u banneeyaan garoonka diyaaradaha ee Kabul "si duulimaadyada daad-gureynta caalamiga ah ay dib ugu bilowdaan".

Kirby ayaa ku sheegay warbixinta kooban Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin in guuto kale oo kamid ah ciidamada Mareykanka loo dirayo Kabul taas oo tirada ciidamada ilaalinaysa daad -gureynta ka dhigaysa ilaa 6,000.

Pentagon-ka sidoo kale waxay intaas ku dartay in tiradda guutada kale ay gaareyso qiyaastii ah 1,000 askari kuwaasoo sugi doono ammaanka garoonka diyaaradaha ee Kabul.

Dhanka kale, ciidamada Mareykanka ee ilaaliya garoonka diyaaradaha ee Kabul ayaa siyaabo kala duwan u dilay laba dabley ah, sida uu sarkaal Mareykan ah kaasoo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sarkaalka oo magaciisa qariyay ayaa tibaaxay in dhacdooyinkan ay dhaceen 24 -kii saac ee la soo dhaafay. "Wararkii ugu horreeyay waxay muujinayaan in dableyda hubeysan ay rasaas ku fureen dadka," ayuu yiri sarkaalka.

Garoonka diyaaradaha Kabul ayaa maanta wuxuu wajahay jahwareer xoogan iyaddoo kumanaan kun ay isku dayayeen in ay ka cararaan dalka si aysan aargoosi ugala kulmin Taliban wallow kooxdu sheegtay in ay fidisay cafis guud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM