Mareykanka oo shaaciyey xalka xasaradda ka oogan Itoobiya

Image
Washington ayaa laba-jibaartey cadaadiska ay qorshahan ku saareyso xukuumadda Abiy Axmed.

WASHINGTON, USA - Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa si weyn uga walaacsan sara u kaca xiisadda Itoobiya, wuxuuna ku baaqay in wada xaajood degdeg ah laga yeesho xasaradda.

Hadalkan Antony Blinken kasoo yeeray dabayaaqadii Jimcihii ayaa ku soo beegmay saacado ka dib markii Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ka soo muuqday jiidda hore ee ciidamada qaranka.

"Xoghayaha Blinken wuxuu muujiyay walaac aad u weyn oo ku saabsan calaamadaha welwelka leh ee kor u kaca militariga ee Itoobiya, wuxuuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in si degdeg ah loogu gudbo wadahadal," ayuu yiri Ned Price oo ah afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka.

Price oo adeegsanaya ciwaankiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa bayaankan soo saaray ka dib markii wadahadal dhanka taleefoon ku dhexmaray madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Blinken.

Jimcihii, Telefeshinka Fana ee ku hadla afka dowladda Itoobiya ayaa sheegay in Abiy uu ku jiro safka hore ee ciidamada dagaalka kula jira xoogaga Tigreega ee ku sugan waqooyi bari gobolka Canfarta.

Xukuumada Abiy ayaa dagaal kula jirta xoogaga Tigreega in ka badan hal sano, dagaalkaas oo ay ku dhinteen tobanaan kun, malaayiinna ku barakaceen dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika.

Jimcihii, Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada adduunka (WFP) ayaa sheegtay in tirada dadka u baahan cunno gargaarka ee waqooyiga dalka ay kor u dhaaftay in ka badan sagaal milyan.

Colaadda ayaa bilaabatay Noofambar 2020 markii Abiy, oo ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel, uu u diray ciidamo Tigray ah si ay meesha uga saaraan Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM

Trump oo diiday inuu ka qeybgalo shir-madaxeedkii G20 ee Koonfur Afrika

Shir-madaxeedka G20 ayaa la filayaa in uu yeesho miisaan weyn, iyadoo laga hadlayo arrimaha dhaqaalaha adduunka.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 06:36AM