Mareykanka oo soo riday buufinkii looga shakiyey "basaasnimada"

Image
Burburinta buufinka ayaa sababtey canaan degdeg ah oo ka yimid Shiinaha kaasoo ku goodiyey "jawaab lama maarmaan ah".

WASHINGTON, USA - Maraykanka ayaa soo riday buufin looga shakisan yahay inuu Shiineesku leeyahay oo ku sugnaa xeebaha South Carolina, sida ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah ee Ameerikaanka.

Talaabadan ayaa timid todobaad kadib markii buufinka uu galay hawada Maraykanka, waxaana arrintan ka dhashay sheeko basaasnimo oo yaab leh taasoo sii xumaynaysa xiriirka Beijing iyo Washington.

Burburinta buufinka ayaa sababtey canaan degdeg ah oo ka yimid Shiinaha kaasoo ku adkaystay buufinka uu ahaa cilmi-baare hawada Mareykanka ku galay "si shil ah" kuna goodiyey "jawaabo".

Saraakiisha difaaca Mareykanka ayaa xusay in diyaarado badan oo dagaal ay fuliyeen howlgalkan oo dhacay Sabtidii, balse hal diyaarad oo F-22 ah oo ka timid Saldhigga Ciidanka Cirka ee Langley ee Virginia - ay toogtay buufinka.

Buufinka oo ku duulayay masaafo dhan 18,300 mitir (60,000 ft) ayaa lagu soo riday meel qiyaastii lix nautical miles u jirta xeebaha gobolka South Carolina ee dalka Mareykanka.

Madaxweyne Joe Biden ayaa saxaafada u sheegay in Arbacadii uu soo saaray amar ah in la soo dejiyo buufinta, balse Pentagon-ka ku talisay in la sugo ilaa inta laga samaynayo aag ammaan ah si dadka rayidka ah looga ilaaliyo burburka buufinka.

Toogashadan ayaa timid wax yar uun ka dib markii ay dawladda Maraykanku amar ku bixisay in la joojiyo duullimaadyada ku teedsan xeebta South Carolina

Sababta ayaa lala xiriiriyey waxa ay Washington wakhtigaas ku fahfaahisay inuu ahaa "dadaal dhinaca amniga qaranka" oo aan sharaxaad la sharaxin. Duulimaadyadii ayaa dib u bilaabmay galabnimadii Sabtida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM

Trump oo warbaahinta u jeestay xilli ay isa soo tarayaan caqabadaha ka haysta siyaasada iyo sharciga

CNN waxay tallaabada ku tilmaantay weerar sharci-darro ah oo lagu qaaday xorriyadda…

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 03:13AM