Mareykanka oo uga digay Kuuriyada Waqooyi taageerida Ruushka

Image

WASHINGTON, Mareykanka - Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa Talaadadii sheegay in wadahadalada hubka ee u dhaxeeya Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi ay si wanaagsan u socdaan.

La taliyaha ayaa uga digay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong in oo Ruushka ka iibayo hub kaas oo loo adeegsan doono dagaalka Ukraine.

Jake Sullivan oo Aqalka Cad kula hadlay warfidiyeenka ayaa sheegay in hubka la siiyo Ruushka aysan natiijo wanaagsan u keeni doonin Kuuriyada Waqooy

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri: ”Waxaan ugu baaqeynaa Kuuriyada Waqooyi in ay u hogaansanto ballamihii ay ku dhawaaqday ee ka hor istaagaya in ay Ruushka siiso hub lagu laayo dadka Ukraine.”

Hadalo hore oo ay soo saareen saraakiil Maraykan ah ayaa muujinayay in Kim uu doonayo inuu bishan aado Ruushka si uu ula kulmo madaxweyne Vladimir Putin, Labada madax ayaa ka wada hadli doono sidii Moscow hub loogu keeni lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM