Mareykanka oo Wasiiro miisaan culus u diray Ukraine

Image

KYIV - Xoghayaha Arimaha Dibada Mareykanka Antony Blinken iyo Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaa Axadii shalay booqasho aan horey loo shaacin ku tagey Caasimadda dalka Ukraine, ee Kyiv.

Waxay kulan dhowr saacadood qaatey la yeesheen Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy, iyagoo u sameeyay balanqaadyo cusub oo taageero militari iyo mid diblomaasiyadeed isagu jira, si Ukraine isag caabiso duulaanka Ruushka.

Safarkan oo ah kii ugu heer sarreeyey oo Madax Maraykan ah ku tagto Ukraine tan iyo markii uu Ruushku kusoo duulay 24-kii February, waxaana loogu tala-galay in lagu muujiyo taageerada joogtada ah ee Washington.

Blinken ayaa sheegay intii lagu guda jiray safarka Kyiv in dublamaasiyiinta Maraykanka ay todobaadkan ku laaban doonaan dalka Ukraine, sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay fariin adag oo midnimo oo ka timid maamulka Biden.

"Ruushku wuu guuldarraystay. Ukraine way guulaysanaysaa,” ayuu yiri Blinken oo saxaafadda la hadlayay.

Putin oo u jawaabayay ayaa yiri: Maraykanka iyo xulafadiisa waxay ku guul-daraysteen inay kala qaybiyaan bulshada Ruushka oo ay ka burburiyaan gudaha.

Blinken waxuu sheegay in isaga iyo Austin ay tareen ka raaceen koonfur-galbeed Poland kuna tageen Kyiv, oo ay kula kulmeen Zelenskyy iyo saraakiil sare oo kale oo Ukraine ka tirsan muddo saddex saacadood ah qasriga madaxtooyada.

Blinken waxa uu sheegay in aysan la kulmin shacabka ama aysan booqan qeybo ka mid ah dalka oo uu dagaalku waxyeeleeyay.

Blinken ayaa sidoo kale u sheegay dadka reer Ukraine in Maraykanku uu siin doono $713 milyan oo ah maalgelin milatari oo loogu talagalay Ukraine inay isku difaacdo, iyadoo loo dirayo sidoo kale hub iyo rasaas lamid ah nidaamyo casri ah oo ay isticmaalaan xubnaha NATO.

Raiisel wasaaraha UK Boris Johnson ayaa booqday dalka horaantii bishaan. Saraakiisha ugu sareysa Midowga Yurub, ayaa sidoo kale booqday Kyiv oo ay kula kulmeen Zelensky.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ingiriiska oo joojiyay xiriirka ganacsiga Israel markii ay gargaarka u diiday Gaza

Britain ayaa sidoo kale cunaqabateyn cusub ku soo rogtay dad iyo kooxo samaynaya rabshado ka dhan ah Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed. 

  • Caalamka

    20-05-2025

  • 02:48PM

Trump: Wadahadal “si aad ah u fiicnaa” baan Putin kala yeeshay Xabad-joojinta Ukraine 

Sidoo kale, Trump ayaa sheegay in Vatican-ka, oo uu matalayo Papa, uu muujiyay xiisaha uu u qabo martigelinta wadahadalada.

  • Caalamka

    20-05-2025

  • 05:21AM