Mareykanka oo xayiraad kusoo rogay dad ay wasiiro ku jiraan

Image

WASHINGTON, USA - Mareykanka ayaa cunaqabateyn cusub saaray 22 qof oo ay ku jiraan afar wasiir oo ka tirsan dowladda Myanmar "si looga jawaabo afgambigii militariga ee bishii Febraayo iyo weerarada ka dhanka ah dhaq dhaqaaqa dimuqraadiyadda ee waddankaas".

Talaabo laba afle ah, Waaxyaha Canshuuraha iyo Ganacsiga ayaa Jimcihii ku dhawaaqay ciqaabyada oo qayb ka ah jawaabta joogtada ah ee Washington ee ku aaddan inqlaabkada dowladda Aung San Suu Kyi ee ku guuleystay abaalmarinta nabadda aduunka Nobel.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa bayaan uu soo saaray ku caddeeyay in cunaqabateyntan cusub lasoo rogay "iyadoo laga jawaabayo ololihii naxariis darrada ahaa ee rabshadaha ay wadeen ciidamada militariga Burma iyo in la sii wado cadaadiska meesha looga saarayo afgambigaas militari".

"Cunaqabateyntu ma beegsaneyso dadka Myanmar, laakiin waxaa looga dan leeyahay in lagu cadaadiyo milatariga inay si deg deg ah dib ugu soo celiyaan wadadii Burma (Myanmar) ee dimuqraadiyadda," ayuu yiri Blinken.

Xayiraadan ayaa lagu bartilmaameedsaday wasiirka warfaafinta ee Myanmar Chit Naing, wasiirka maalgashiga Aung Naing Oo, wasiirka shaqada iyo socdaalka Myint Kyaing, iyo Thet Thet Khine, wasiirka arimaha bulshada, gargaarka iyo dib-u-dejinta.

Saddex xubnood oo ka tirsan Golaha Maamulka Gobolka ee awoodda badan ayaa lagu soo rogay cunaqabateyn; sidoo kale 15 mas'uul kale oo aan la magacaabin ayaa lagu soo rogay xayiraada.

Cunaqabateynta ayaa ka dhigan in dhammaan hantida taala Mareykanka ee ku xusan magaca shaqsiyaadka ay xayiraad saaran tahay, dadweynaha Ameerikaanka ah ama kuwa ku noolna dalkaas waxaa ka mamnuuc ah in ay la falgalaan hantidaas ama macaamil ganacsi dulsaar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM