Mareykanka oo xayiraad saarey mas'uuliyiin u dhashay Iiraan

Image
Xoghayaha arimaha dibada, Antony Blinken, ayaa saraakiishan ku eedeeyay "xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha".

WASHINGTON, USA - Mareykanka ayaa Isniintii ku dhawaaqay cunaqabateyn uu saaray 11 sarkaal oo ka tirsan dowladda Iran sababo la xiriira xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

“Maraykanku waxa uu dhaleeceynayaa sii wadida xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda bini’aadanka ee Iran, waxaana wali ka go’an in uu taageero dadka Iran," ayuu ku yiri xoghayaha arimaha dibada Antony Blinken.

Blinken oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas ku daray: "Dadka Iiraan waxay wajahayaan waxashnimada taliska Iran, waxaana ay dalbanayaan in la ixtiraamo xoriyadooda aasaasiga ah".

"Maanta, Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay qaadaysaa tallaabo ay ku soo rogeyso xannibaado fiisaha… xoriyatul qawlka ama kulan nabadeed," ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Waaxda Maaliyadda ayaa sidoo kale waxay xayiraad gaar ah kusoo rogtey afar qof oo lala xiriirinayo xadgudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ka dhacay Iran.

Waxa ay sheegtay in sidoo kale ay qaadayso tallaabo ka dhan ah xoghayaha golaha sare ee hawada sare ee Iran (SCC) kaasoo ay ku eedeysay in uu mas'uul ka yahay dambiyadda xuquuqul insaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Guusha Ninka Muslim-ka ah ee noqday Duqa New York uga dhigan tahay Trump?

Tartanka ugu weyni wuxuu ahaa isaga iyo Andrew Cuomo, oo ahaa guddoomiyihii hore ee gobolka New York.

  • Caalamka

    05-11-2025

  • 08:01AM

Trump oo u amray Waaxda Difaaca inay “si degdeg ah” u bilowdo tijaabinta hubka nukliyeerka

Ololaha Caalamiga ah ee lagu baabi’inayo Hubka Nukliyeerka ayaa Ruushka ku tirinaya inuu haysto hubka nukliyeerka ugu badan.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 09:42AM